Boqortooyada Sacuudiga Oo War Kasoo Saartay Imaatinka Xajka Ee Sanadkan! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Boqortooyada Sacuudiga Oo War Kasoo Saartay Imaatinka Xajka Ee Sanadkan!
April 1, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Boqortooyada Sacuudiga Ayaa War kasoo saaray imaatinka xajka ee sanadkan Iyadoo dhammaan Muslimiinta ku nool daafaha dunida ka codsatay in ay dulqaad muujiyaan islamarkana ay dib u dhigtaan qorshahooda Xajka iyo Cumrada ee sanadkan.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudiga ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Corona awgii ay tahay in Musliminta ay dib u dhigtaan qorshooyiinkooda Xajka.

Wasiirka arrimaha Xajka iyo Cumrada, Dr. Maxammad Saleh bin Taher Benten, ayaa sheegay in Sacuudiga ay mar walba diyaar u yihiin inay qaabilaan islamarkana ay u adeegaan Xujeyda, balse iminka mudnaanta la siinayo badqabka qof walba.

“Sacuudi Carabiya ayaa imika daryeel siinaysa 1,200 oo qof uu cumara u tagay kuwaasi oo aan dalkoodii u laaban karin, sidoo kale waxaan lacagaha u celinaynaa dadka la siiyay dal ku-galka.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

COMMENTS
LINKS