Ururka Qareenada Jsl Oo Tacsi Udiray Bahda Garsoorka Iyo Qoyska Uu Baxay Marxuum Garyaqaan Foosi Sh, Yoonis Oo Magaalada Hargaysa Ku Geeriyooday. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ururka Qareenada Jsl Oo Tacsi Udiray Bahda Garsoorka Iyo Qoyska Uu Baxay Marxuum Garyaqaan Foosi Sh, Yoonis Oo Magaalada Hargaysa Ku Geeriyooday.
April 2, 2020 - Written by Editor:

INAA LILAAHI WA,INAA ILAYHI RAAJUCUUN.

 TACSI TIIRAANYO LEH;

HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha ururka Qareenada Somaliland ee Solla Maxamed Maxamuud Xaashi (Timo) ayaa dhambaal Tacsi ah udiray bahda garsoorka,qareenada iyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Garyaqaan Fowsi Sheikh Yoonis Xasan Oo maanta galinkii danbe ku geeriyooday magaalada hargaysa.

 

Guddomiyaha Ururka Qareenada Somaliland SOLLA Isaga oo ku hadlaya magaca qareenada Somaliland iyo ka bahda garsoorkaba wuxu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan Qareenada Somaliland,bahda Garsoorka Iyo qoyskii iyo qaraabadii Geeridii Naxdinta lahayd Ee Ku timid Marxuum Garyaqaan Fowsi Sheikh Yoonis Xasan, Oo maanta ku Geeriyooday magaalada hargaysa

Sidoo kale Gudoomiyaha Ururka Qareenada Jsl Si gaara tacsidan ugu diray Qoyska iyo ehelkii uu ka baxay Marxuumku in ilaahay samir iyo iimaan ka siiyo.marxuumkana ilaahay naxariistii jano ha siiyo.

Dhanka Kale  Gudoomiyaha ururka Qareenada Somaliland ee SOLLA Ayaa ka waramay taariikh nololeedkii Marxuum Foosi iyo  Xilalkii kala duwanaa ee uu kasoo qabtay garsoorka ilaa ururka qareenada iyo waxyaabihii bahda garsoorka kusoo kordhiyay mudadii uu katirsan garenada jsl.wuxuna yidhi.

Marxuumku wuxuu bahda Garyaqaanada iyo bahda garsoorkaba ka mid ahaa muddo 29 sanadood ah, xilalka Qaran ee uu soo qabtay waxa ka mid ah:

1) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qaranka JSL.

2) Gudoomiyaha Maxkamadda Derajada 1aad ee Ciidamada Qaranka JSL.

3)Garsoore Maxakamadeed derajooyinka kala ah Degmo/Gobol/Rafcaan.

4) Gudoomiyaha Ururka Qareenadda Soomaalilaan, kana mid ah aasaasayaashii ururka Qareenada Somaliland (SOLLA).

5) Aasasayaashii Shirkada Addeeyada Sharciga ee Barriga Africa (East Africa Law Firm).

Marxuumku wuxuu Ku geeriyooday maanta cusbitaalka Haldoor ee magaalada Hargaysa,

Waxaana maalinta bari ah  oo jimce ah lagu 03/04/2020,  aasi doono Xabaalaha Halayo.

INAA ILILAAHI WA,INAA ILAYHI RAAJUCUUN,

GUDOOMIYAHA URURA QAREENADA SOMALILAND MAXAMED MAXAMUUD XAASHI (TIMO)-

 

COMMENTS
LINKS