Tacsi; Tiiraanyo Leh Oo Ku Socota Qoyska Marxuum Dr Cadaani Oo Ku Geeriyooday Dalka Sweden. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Tacsi; Tiiraanyo Leh Oo Ku Socota Qoyska Marxuum Dr Cadaani Oo Ku Geeriyooday Dalka Sweden.
April 3, 2020 - Written by Editor:

انا للة وانا الية راجعون

Anigoo ku hadlaya magacayga,Eng.Mohamed Ali Muse,ka qoyskayga,caruurtayda iyo ka aabahay,Ali Muse Elmi,waxaan tacsi tiiraanyo iyo murugo leh u diryanaa qoysaskii,awlaadii,walaaladii,ehelkii,qaraabadii,gacalkii,xukuumada iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay,Dhakhtarkii,khabiirkii caalamigaa ahaa,Dr.MD.DTMH.PhD.

Mohamed Hassan Alin Egeh,oo maanta oo Khamisa,2 Bisha April,2020,ku geeriyooday caasimada dalka Sweden ee Stockholm.

Haddii Allaha awooda lihi nafta igu simo,waxaan si kooban isku dul taagi doonaa  taariikhda marxuumka.Dr.MD.DTMH.PhD.Mohamed Hassan Alin Egeh,waxaa uu ku dhashay magaalo Ganacsiyeedka Tog-wajaale,waxaana uu shahadada PhD ee Dhakhtarnimada ka qaatay Uppsala University,ee dalka Sweden,oo ah Jaamacad qadiimiya,oo la aasaasay sannadkii 1477,ahna Jaamacad ugu da’da weyn ee wadamada la isku yidhaa ‘The Nordic countries’,oo ka kooban Denmark, Finland, Iceland, Norway and Sweden.

Dr.MD.DTMH.PhD.Mohamed Hassan Alin Egeh,wuxuu in ka badan 10 sanno Jaamacada Uppsala University / Karolinska Institute,ee dalka Swden ka ahaa Baadhe                       ( Researcher) , la xidhiidha soo saarista Daawooyinka,waxtarkooda iyo ka hortagga dhibtooda.  Waxaa uu qoray,oo gudbiyey in ka badan 25 cilmi baadhisa,waxaanu ku soo bandhigay shirarka caalamka ee shirkada Daawooyinka soo saara,waxaanu xubin ka ahaa Swedish Academy of Pharmaceutical Sciences.

Dr.MD.DTMH.PhD . Mohamed Hassan Alin Egeh, waxaa uu sidoo kale shaqooyinka caafimaadka iyo Daawooyika kala shaqeeyey Hayadaha caalamigaa ,waxaanu qayb libaax ka qaatay dib u dhiskii Wasaarada caafimaadka ee dalkeena  Somaliland,isagoo aqoontiisa iyo khibradiisa ugu tabaruci jiray.

Marxuumka oo aanu isku qoys ahayn,waxaa uu ii sheegay inuu sannadkii 1997,uu ka  mid ahaa  300 oo Dhakhtar,oo tartan shaqo u galay shirkada Daawooyinka ee  AstraZeneca Pharmaceutical Company ee dalka Sweden,kana mid noqday saddexdii  Dhakhtar ee shaqadaa ku guuleystay,noqdayna Scientific Adviser in clinical pharmacokinetic/pharmacodynamics and drug metabolism in the Department of Clinical  Pharmacology,muddo dheerna ka shaqeeyay,ahaydna shaqadiisi ugu danbeysay inta aan xaqu ku iman.

Marxuum,Dr.MD.DTMH.PhD.Mohamed Hassan Alin Egeh,waxaa intaa u dheereyd,oo uu ku hadli jiray 5 luqadood, oo kala ah:

– English

– Swedish

– Italian

– Arabic

– Somali

Waxaad qayb kale oo ‘The African Institute of Biomedical Science and Technology’ hore uga qoray  taarikhda marxuumka,aad kaga bogan kartaan, https://www.longlivesomaliland.com/waa-kuma-Dr-Maxamed-Xasan-Caalin.htm. Waxaan walaalkay, maruuxum Dr.MD.DTMH.PhD.Mohamed Hassan Alin Egeh,  aan Allaha awooda leh uga baryayaa,una weydiinayaa,inuu janno Fardawsa ka waraabiyo,danbi dhaaf u fidiyo,iilka u nuuro,iilka u waasiciyo,neecaw udgooniyo,ku siiyo naruuro, dhammaanteena samir yo iimaan saadiqa innaga siiyo,aamiin.

انا للة وانا الية راجعون

Eng.Mohamed Ali Muse

02 April,2020

COMMENTS
LINKS