Madaxda Afrika, Sidee Bay Isaga Difaacayaan Coronavirus?Q/W;Ibrahim Hawd. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxda Afrika, Sidee Bay Isaga Difaacayaan Coronavirus?Q/W;Ibrahim Hawd.
April 3, 2020 - Written by Editor:

Waxaa Daabacday Majallada Jeune Afrique Carabi ayaan se ka soo rogay. (Fiiro! Xusuusnow in wargeyskan Jeune Afrique ku aaddan yahay Afrikada Faransiiska ku hadasha!)

Is la marka uu fayraska Corona kumanyaal ku gumaadayo dalal badan, waxaa la wada eegayaa madaxweynayaasha dawladaha iyo boqorrada ka dib kolkii uu haleelay raysalwasaaraha Biriteyn Boris Johnson, dhaxalsugahooda Charles, amiirka Monaako Alber iyo hoggaamiyayaal iyo xiddigo kale.

Madaxda Afrika wax ay ku dadaalayaan wax walba oo ka fogaynaya in fayraskaasi haleelo. Sidaas bay u adkaatay qaarkood in la la xidhiidhi karo, oo tusaale ahaan madaxweynaha Kamaruun la ma arag ilaa bishii hore 11-keedii, dadkiisana ka la ma uu hadlin wax talooyin iyo go’aanno ah oo ku saabsan wax ka qabashada cudurkan.

Wargeyska Jeune Afrique wax uu warbixin gaar ah ku sheegay madaxweyne in aanu fayraskan u jirranayn ee doortay in uu ku dhuunto degmadii uu ku dhashay oo 180 km Koonfur ka jirta caasimadda Yuwaande.

Madaxweynaha Ayferi Koost aroor walba wax uu tagaa madaxtooyada halkaas oo dhammaan xafiisyadeeda la buufiyay, hawlwadeenkana la gu waajibayay dharka fayraska celiya, adeegsiga walxaha fayraska dila iyo in qof walba heerkulkiisa joogto loo cabbiro. Madaxweynuhu wasiirrada wax uu ku la xidhiidhaa email, laba jeer oo keliya ayaana la arkay sidii cudurkani u yimid.

Madaxweynaha Kongada Dimuqraaddiga ah isaguna aad buu u yareeyay in uu la xidhiidho dadka la shaqeeya ka dib kolkii midkood xanuunka u dhintay, iyada oo la taliyihiisii gaarka ahaana cusbitaalka u yaal Corona.

Madaxweynaha Gaboon isaguna wax uu soo saaray wareegto ka fogaynaysa dadka madaxtooyada ka la shaqeeya, lataliyayaashiisa iyo raysalwasaarahana kamarad buu ku la hadlaa.

Madaxweynaha Kongo wax uu digtooni iyo feejginaan u go’aamiyay in baadhitaan caafimaad la mariyo idil ahaan dadka isaga la shaqeeya, ilaaladiisa iyo shaqaalaha madaxtooyada, ilaa la hubiyo in aan qof bukaa ku jirin.

Dadaal intaas oo dhan ka sii adag madaxweynaha Gini dalkiiba wax uu ku soo rogay xaalad degdeg ah, soohdimaha dalka waa la xidhay, ay weheliso dadaallo kale oo ay ka mid tahay in aan la is gacanqaadi karin iyo in kulanka golaha wasiirrada la gu qabto goob aan ahayn madaxtooyada oo ay ahaan jirtay.

Madaxweynaha Maali isagana daxaddarkiisu wax uu gaadhay in uusan waxbaba taaban, xitaa telefoonnadiisa gaarka ah, ilaa dhawr jeer la safeeyo maalin walba. Sidoo kale fayalalka oo dhan maalin walba waa la soo nadiifiyaa inta aan miiskiisa la keenin, mar kasta oo uu taabanayana gacmagashi buu gashadaa.

Dhanka kale madaxweynaha Ruwaandha si caadi ah buu kulannada u qabsadaa isaga oo laakiin ku dadaalaya in uu qofka masaafo go’an u jirsado, ama kamaradda ayuu ku shaqeeyaa. Mooritaaniya madaxweynahoodu isaguna aad buu u yareeyay kulannadiisa, wax uuna ku soo koobay tirada u gu yar ee suuragal ah, dadka u imanayana wax uu ku waajibiyay in ay soo gashadaan dharka difaaca, gacmagashi iyo in ay soo faraxashaan.

QALINKII; IBRAAHIM HAWD

COMMENTS
LINKS