DAAWO;-Maareeyaha Shirkada Baxsane Group Oo Furayaasha Xarun Caafimaad Oo Casriya Ku Wareejiyay Maamulka Degmada Arabsiyo! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Maareeyaha Shirkada Baxsane Group Oo Furayaasha Xarun Caafimaad Oo Casriya Ku Wareejiyay Maamulka Degmada Arabsiyo!
April 5, 2020 - Written by Editor:

“Tani Maaha Deeqdii Ugu Horaysay Ee Aanu Dalka Ka Qabano,Noqona Mayso Tii Ugu Danbaysay Ee Arimaha  Bulshada Aanu Ka Qabano”Mareeye Xuseen Baxsane.

ARABSIYO(W,N)-Maareeyaha Shirkada Bahsane Group Ltd. Mr. Hussein Axmed Daahir Bahsane ayaa Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo Ee gobolka gabiley Ku Wareejiyay furayaasha Cisbitaal cusub oo uu dhisay Ganacsade  Xaaji Axmed Daahir Baxsane Oo bulshada deegaanka ugu tabarucay dhismaha cisbitaalkan.

Ganacsade Xaaji BAXSANE, oo kamid ah shakhsiyaadka sida gaarka ah ugu tabaruca bulshadiisa doorwaynta ka qaata dayactirka masaajidada dalka waa ganacsade muwaadin ah oo maalkiisa ku bixiya goobaha khayrka leh, Door muhiimana ka qaata deegyada danta guud ee bulshada wax loogu qabanayo.

Ugu horaynaha waxaa ka hadlay munaasibada shirkada baxsade maamulka arabsiyo ugu wareejisay cisbitaal casri ah oo ay ka hirgalisay magaalada arabsiyo Maareeyaha Shirkada Xuseen Xaaji Axmed Daahir baxsane oo sheegay in ay ka shirkad ahaan deeqdani aanay ahayn tii uhoraysay ee bulshada reer arabsiyo uqabteen noqona dooniin tii udanbaysay ee ay bulshada ugu tabarucaan isagoo  oo maamulka degmada arabsiyo ku wareejiyay furayaasha xarun caafimaad ee xaji baxsane ugu deeqday dadwaynaha reer arabsiyo.

Dhanka kale maamulka degmada ayaa hadalo mahad naq iyo duca ka jeediyay xaaji baxsane deeqdaa uu shacabkiisa ugu sameeyay xarunta caafimaad/

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS