Maxaa Salaadiinteenii Ka Si Ah?W/Q;Aadan Ismaaciil. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa Salaadiinteenii Ka Si Ah?W/Q;Aadan Ismaaciil.
April 5, 2020 - Written by Editor:

Waxa Arrin La yaable Igu Noqday Qaar ka mid ah madax-Dhaqameedkeennii oo aan habayraatee Ixtiraam u hayn Ummadday Sheeganayaan In ay xil u Hayaan. Maanta waxa looga fadhiyay in ay gurmadka caaalmku ugu jiro xakamaynta cudurkan dilaaga ah ee Covid-19 qayb ka qaataan. Waxa is weydiin mudan maxaa dan ugu jirta iyaga in lala hadlo Xamar iyo in kale. Weli maan maqal madax dhaqameed reer Somalia ah oo ka hadlaya wada hadlada labada dal ee Somaliland iyo Somalia. Dadk qaar waxay qabaan in dhaameel laga soo daadinayo Xamar ay u baratamayaan. Waxa la iiga sheekeeyay nin la odhan jiray Curaagte (ma hubo in magucu sidaa u qormayo e) oo cagaha naafo ka ahaa ayaa kontomeeyadii lacag loo ballan qaaday haddii uu dawladda ingiriiska ka difaaco dacaayadaha xornimo-doonka. Haseyeeshee Curaagte arrinkaa wuuu ku gacan saydhay oo wuu diiday lacagtii loo ballan qaaday. Nimankii maansooyink xornimo doonka ah tirin jiray ayaa arrinkii maqlay. Waxay tiriyeen tix baydkani ka mid haa:

Curaagtaba diid cad loo lulayee, maxaa ku caddibay nin caga qaba

Waxa aan u soo qaatay tusaalahan, bal ummaddii baahida badan iyo halista cuduradani isgu darsameen ayaan Xamar la soo marin karin xataa haddii ay konton sano oo danbe ku qaadanayso in la ictiraafo. Suldaannda waxa u sharf badan in ay dhex joogaan dadka ay metelaan ee la daala dhacaya abaarahaiyo bahida. Weligay maan maqal suldaan wax ka dhisay dugsi ama MCH.

Talo ku Socota shacabka:

Ha la iska ilaaliyo fikradaha salaadiinta qaar idinku soo dhex tuurayaan. Ogaada in aany suldaannadu caqli iyo cilmi toona idin dheerayn. Ma jiro suldaan haysta waxa ka sareeya dugsi sare. Intooda badani xataa ma haystaan dugsi dhexe. Talada looguma dhiibin aqoon iyo garaad lakiin way dhaxleen. Waxa mudan in aad dhegesataan aqoon yahankiinaa, culimadiinnaa waaweyn iyo siyaasiyiinta aad doorataan iyo dadka ka soo badbaaday xasuuqii.

Wa salaama Calakum

Qalinkii; Aaden Ismaaciil.

Canada

COMMENTS
LINKS