“Madaxweyne Ummaddu Adigay Ku Dooratay Ee Hogaami Guddida Ka Hortaga COVID19”Mustafe Shiine. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Madaxweyne Ummaddu Adigay Ku Dooratay Ee Hogaami Guddida Ka Hortaga COVID19”Mustafe Shiine.
April 7, 2020 - Written by Editor:

“Madaxweyne Ummaddu Adigay Ku Dooratay Ee Hogaami Guddida Ka Hortaga COVID19”Mustafe Shiine.

Talo Nasteex Ila ah:-

Madaxweyne ummaddu adigay ku dooratay ee hogaami guddida ka hortaga COVID19, hana ku koobnaadeed sidan;-

  1. Madaxweynaha.
  2. Edna Aden
  3. Wasiirka Caafimaadka.
  4. Dr. Maxamed Cabdi Gaboose.
  5. Dr. Axmed Xusseen Ciise.
  6. Dr.Xassan Ismaaciil.
  7. Dr. Bulxan

Iyo Dr. Yaasinka maamulaha ka ah cisbitaalka guud, iyadoo lagu dari karo dhakhaatiirta Aqoonta Durugsan u leh arrimaha Cudurada faafa, Waxaana la idiinka fadhiyaa in aad ummadda Uga fikirtaan sidii looga samatabixin lahaa masiibadani haddii ay faraha ka baxdo, Tiiyoo madaxweyne lagaa doonayo inaad la timaado dedaalo lagaga sii diyaargaroobaayo oon ahayn shirarka u muuqda ma dhalayska ee ay guddida hore ummadda la hortimid, taasi oo uu shacabku u arkay inay ku dhaameen Talada ganacsatadii qaadka ee ay la kulmeen oo kun jeer kana hadal wanaagsanayd kana fikir sareysay.

Ilaa iyo hadda madaxweyne waxa dadkaagu u arkaan in sidii la doonaayay aanay xukuumaddu uga hawlgelin oon shacabkii loo diyaarin go’aamo iyo tallooyin qasab lagaga dhigaayo haddii la Doono oo wax loogu qabanaayo waxaanay dadku marxalada noocan ah warka ka sugayaan hogaamiyihii ay doorteen oo adiga ah.

Qalinkii Mustafe Shiine Ex Badhasaab,

COMMENTS
LINKS