Ganacsade Dareen Muwaadinimo Leh: Gudoomiyaha Shirkada Faraska Ganacsade Faysal Cismaan! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ganacsade Dareen Muwaadinimo Leh: Gudoomiyaha Shirkada Faraska Ganacsade Faysal Cismaan!
April 8, 2020 - Written by Editor:

Waxaan halkan hambalyo mug iyo miisaan culus uga dirayaa, Gudoomiyaha Shirkada Faraska Ganacsade Faysal Cismaan Faras, oo dareenka qalbiga iyo dhagaha bulshada ku kasbaday hadalkii qiimaha badnaa ee uu kasoojeediyey kulankii dhawaan ay ku yeesheen qasriga madaxtooyada gudida ka hortaga Covid19 ee JSL iyo ganacsatada qaadka keenta dalka.

Ganacsade Faysal Faras, oo ku hadlaayey afka ganacsatada qaadka ayaa mar qudha dareenkiii iyo jawigii kulanka bedelay kadib markii uu madasha kasoojeediyey khudbad mugle oo qambaarsan qodobo dhawra, kuwaas aanay meeshaba ma filahayn xubnihii gudida Covid19 iyo guud ahaan bulshada Somaliland, qodobadan oo aan hore looga baran guud ahaan ganacsatada dalka oo mudooyinkii ugu danbeeyey ay kusii yaraanaysay damqadashada bulshada iyo dareenka muwaadinimoba.

Aan u gundo dago qodobadii Ganacsade Faysal Cismaan Faras, madasha kasoojeediyeye, markii uu hadalka qaatay salaan kadib ayaa waxa uu yidhi “Gudida waxaan leeyey markasta waxaan maqlaa iyadoo la leeyahay, dheecaan baa la qaadayaa oo dibadaa lagu soo baadhayaa, waxaan odhan lahaa tijaarta Somaliland waa bad, markaa waxaan soojeedinayaa in kharashka lagu soo iibinaayo qalabkaas lagu baadhayo loo qaybiyo, taasi oo aan anigu kow ka noqonaayo bixintiisa, si aynu uga bad-baadno kolba dheecaankan la qaadayo.”

Ganacsade Faysal Faras, kuma uu joojin intaase hadana waa uu sii waday hadalkiisa oo hadana waxa uu raaciyey “Anigu rayi ahaan waxaan odhan lahaa qaadka hala joojiyo, taana anigu ka koobaad baan ka noqonayaa, waayo waxa la badbaadinayaa waa bulshadii, hadii la is yidhaa yareeya waa fayraskii uun, laakiin hadii la joojiyo waxan aaminsanay in wax badani yaraanayaan, oo ururkii bulshadu baaba’aayo oo fadhiisigii bulshadu baaba’aayo oo wax badan baaba’ayaan ayaan aaminsanay anigu.”

Markii ay Ganacsade Faysal Faras afkiisa kasoo dhamaatay intaasi, waxaa wajiyada Gudida Covid19 oo uu hogaaminaayey Madaxweyne kuxigeenka JSL laga dareemaayey khajilaad mugle, waayo dareenka muwaadinimo ee Ganacsade Faysal iyo dhiiranaantiisa uu qaranka naf iyo maalba ugu huraayo ayaa aad fajiciso ugu noqotay, waxaanay ku noqotay u qaadan-waa.

Ganacsade Faysal Faras oo sida hadalkiisa ka muuqata ku sifoobay ganacsade kalfuran oo dadkiisa iyo dalkiisa u diirnaxaaya, dantiisa ganacsina ka horeysiinaaya danta guud ee bulshada ayaa markii ay bulshadu ka daawatay warbaahinta waxa ay u qireen inuu yahay muwaadin qalbigiisa ay ku wayn tahay badbaadinta qaranku isla markaana waxa ay bulshada tustay in wali ay sii jiraan ganacsato wadaniyiin ah oo u damqanaaya bulshada.

Guntii iyo gunaanadkii qormadaydan kooban, mar labaad waxaan halkan hambalyo, bogaadin iyo dhiirigalin uga dirayaa Ganacsade Faysal Faras iyi guud ahaanba ganacsatada qaadka ee Somaliland, sidoo kale waxaan halkan baaq uga dirayaa ganacsatada kala duwan ee dalku inay ku daydaan sidaa Ganacsade Faysal Faras, iyo guud ahaan ganacsatada qaadku muujisay inay qarankooda u damqadaan oo kaalintooda kaga aadan ka qaataan daryeelka bulshada iyo badbaadinta qarankaba.

 

QALINKII; Cabdixakiin C Xasan

cabdixakiinrays@gmail.com

Hargeysa/Somaliland

 

 

COMMENTS
LINKS