Gudida Ka Hortaga Coronavirus Oo Xaalkeedu Noqday Igu Sawir Iyo Fadeexadaha Ku Duugan Daahfurka Wasaarada Caafimaadka Ee Diwaan Galinta Mihnadlayaasha! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudida Ka Hortaga Coronavirus Oo Xaalkeedu Noqday Igu Sawir Iyo Fadeexadaha Ku Duugan Daahfurka Wasaarada Caafimaadka Ee Diwaan Galinta Mihnadlayaasha!
April 9, 2020 - Written by Editor:

Gudida ka Hortaga xanuunka coroanavirus oo uu horkacayo madaxwayne kuxigeenka somaliland ayaa maanata sheegay in ay daahfureen nidaam cusub oo lagu diwaan galindoono shaqaalaha caafimaadka qaab iyaga jooga gobolada ,degmooyinka ,ama gurigooda kaasi oo ay wasaarada caafimaadka ku wareejisay haayada wadani ah Ee  GTS oo  hore madaxwaynaha somaliland uga wareejiyay buugaagta gaadiidka oo ay qandaraas ku haystay Iyadoo Wasaarada ku wareejisay dhowr shay iyo systemkii Ay Hore ugu shaqayn Jirtay Arinta Ayaa Waxay Abuurtay Dareeno kala duwan kadib markii gudidii heer qaran ee ka hortaga coronavirus ay bulshada la horyimaadeen wax aan looga fadhiyin iyo wakhtiga ay ku Lumiyeen hal computer iyo laba shay oo kale iyo program Shaqaaluhu wasaaradu samayn karo oo masuuliyiintii qaranku ka dhigayaan in ay wax qabteen amaba soo kordhiyeen Adeegyo cusub .

Dhanka kale dadka ka dhow dhow siyaasada madaxwayne Kuxigeenka ayaa la xidhiidhiyay daahfura adeegan in uu uga dan lahaa sidii uu shirkadan ugu samayn lahaa suuq iyo qorshihii ay ku qaadan lahaydn mashaariic door ah oo dawladu bixinayso balse aanu jirin wax qaranka iyo dadaalada loogu jirin la Tacaalida coronavirus in looga dan lahaa. Sidoo Kale xogaha laga helayo jeedooyinka Cabiraxmaan saylici Ee daahfurka diwaangalinta mihnadla yaasha  ayaa xusay In shirkada GTS oo hore saami ugu lahaa masuul ay jufo hoose yihiin oo dhowr jeerna mashariic ku qaatay shirkadan kaasi oo ay walaalo yihiin wasiirkii hore ee xidhiidhka golayaasha cali xaamud.  Shirkada GTS Ayaa waxaa hormuud ah midkamid xubnihii dawladii axmed siilanyo u qaabilsanaa Dilaalka siyaasada oo lagu magacaabo Cali Aw xasan Cali Gobonimo” balse wakhtigan dibada ka jooga ststemka xukuumada madaxwayne biixi hadase uu horgale uyahay madaxwayne kuxigeenka Somaliland saylici kaasi oo qorshaynaya in la siiyo mashaariic Oo horleh. Wallow madaxwayne biixi uu qaaday.

COMMENTS
LINKS