Raiisal-wasaare Ku-xigeenka iyo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya:Hubiya Caafimaad Qabka Maskaxeed Ee Dadka Aad La Kulmaysaan! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Raiisal-wasaare Ku-xigeenka iyo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya:Hubiya Caafimaad Qabka Maskaxeed Ee Dadka Aad La Kulmaysaan!
April 9, 2020 - Written by Editor:

Farxaan Ismaaciil oo metela codka Abwaan Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde) waxa aragtidiisa iigu horraysay 2014kii. Xaflad ururka SODRA ku qabtay Ambassador oo qoraagii sannadka 2013ka la iigu aqoonsaday ayaa iigu horraysay. Munaasibadda waxa uu keliya ku lahaa jeedinta maanso yar oo uu ku muuqdo. Wiil jili kara luuqdii gabayaaga weyn ayuu ahaa. Waxa ummadda hor keenay Axmed Shaqale oo munaasibaddaas agaasimay.

Waxa jirtay mar Wajaale lagu xidhay, bil ayaanu xidhnaa. Weedho lid ku ah ciidda iyo calanka uu joogo ayuu ku tiraabay. Waxa lagu sii daayay dammaanad. Soddonkaas maalmood ayaa ku beeray naxli iyo nashuushad aan dawo loo heli karin. Waxa uu intaas kaddib u jaqaafiyay dhanka Muqdisho oo uu filayay inuu dhoobada ku sii walaaqan karo. Caawa ayuu baahiyay in ay Hargeysa deggan yihiin dad Yuhuud ahi. Waxan xaal siinayaa Abwaan Timacadde oo uu codkiisii iyo canjilaaddiisa ku meel maray, caawa laga bilaabo magacaas ha dhigo ugu horrayn.

Xadhig kasta oo aan qof ahaan galaa waxba igama beddelo, laakiin waxa aan is weydiinayaa in uu maskax ahaan hadda wiilku fayow yahay. Waxa uu ka soo jeedaa deegaannada Gebiley, Awdal iyo Selel oo aan ku hubo aqoon, indheergaradnimo, ilbaxnimo, ugaasnimo iyo ummadnimo buuxda. Hadallada uu ku tiraabayaa ma aha kuwo uu qof kale ku metelo. Waana kuwo dhaafsan xorriyaddii hadalka.

Dhambaalkaygani waxa uu ku socdaa Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) Raiisal-Wasaare ku-xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dr Cabdiraxmaan Ducaale (Beyle) Wasiirka Maaliyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo labaduba ka soo jeeda Somaliland. Labadaas masuul oo aan xurmo u hayo waxa aan ugu baaqayaa inay iska hubiyaan dadka ay sawirrada la gelayaan. Marka laga yimaaddo aragtida siyaasadda ee lagu kala duwan yahay, ma jirto sabab loo abuuro nac iyo collayntan noocaas ah.

Labada masuul ee Farxaan-Yare la sawiran waa dad ab ahaan iyo isir ahaanba ka soo jeeda dhulka uu wiilkani ka hayaamay, ma ogi goorta Yuhuudda lagu beeray Hargeysa iyo Somaliland. Inay madaxda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya soo-dhaweeyaan dadka noocaas ahi waxa ay kala-dil ku tahay guud ahaan ummadda Soomaalida.

Waxa aan ugu baaqayaa inay tallaabo degdeg ah ka qaadaan wiilkaas la galay sawir-beenaadka gefka ah ummadnimada, islaamnimada iyo bulshada uu Israaiiliyiinta ku tilmaamay. Aniga oo si gaar ah ula xidhiidhi kara labada masuul, waxa aan doorbiday in aan tiraabtayda mariyo baraha bulshada iyo warbaahinta.

Ugu dambayntii waxa bulshada ku nool Muqdisho, masuuliyiinta iyo ummadda la gudboon inay wiilkaas u diraan xarumo caafimaad oo lagu baadho faya-qabkiisa maskaxeed, haddii uu noqdo qof xiskiisu dhan yahayna waa in caddaaladda lagu horkeeno nashuushadda qaawan ee uu shubo.

QALINKII; SICIID MAXAMUUD GAHAYR.

HARGEISA SOMALILAND.

 

COMMENTS
LINKS