Waxbarashadda Warbaahinta Iyo Qiimeynta Macalinka Ee Bulshada! W/Q: Cali Coomay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waxbarashadda Warbaahinta Iyo Qiimeynta Macalinka Ee Bulshada! W/Q: Cali Coomay.
April 10, 2020 - Written by Editor:

Toddobaadkii dhawaan waxa Tilifiishanka qaranka iyo kuwa kale ee gaarka loo leeyahay ka bilaabay casharradii ka istaagay ardayda reer Soomaalilaan ee uu keenay fasaxii cudurka Korona. Macallimiintii ardayda hortooda casharrada ku bixinaysay ayaa casharradii ka bilaabay muuq-baahiyeyaasha. Macalin kasta waxa raacay wixii uu yaqaanay iyo gudbintiisii. Waxa la yidhi, nin ayaa Qur’aanka ka yaqaanay QULHUWALAHA, ninkani wuxuu sheekh u sheegtay reero uu la joogay, markii uu salaad kasta Qulhuwalaha ku tukiyey, ayey beeshii uu la joogay shirtay markaasay ku yidhaaheen” waar Qur’aanka Qulhuwalaha ayaad ka taqaan, markaa culimana ma tihid, ee sheekh kale ayaanu u baahanahay. Markaasuu ninkii ugu jawaabay” Ilmaadeerayaal qulhuwalahana Qur’aanka ha ka saarina, aniga culimada ha iga saarina”.

In kasta oo ay macalimiinta casharrad bixinaysaa aanay tiro ahaan badnayn, haddana waa kuwa ku kala bixi doona Qiimeynta ay bulshadu samayso. Waxa xigmad ayaa tidhaa” Sheekhu wuxuu ugu farxad badan yahay marka la yidhaa Tuftaadii waa la aqbalay oo hebel wuu ku ladnaaday qur’aan Akhriskaagii. Sidoo kale macalinkuna wuxuu ugu farxad badan Yahay marka la yidhaa ardaygaagii wuu aflaxay”. Sharraxaadaha Macalimiinta,waxa ka soo baxay dhawrkan qoddob ee hoose:

=Muuqaalladii ay macalimiintu soo duubeen wuxuu bannaan keenay dhawr arrimood oo markii hore fasalka dhexdiisa ku koobaa.

=Waxa kala baxay macalinka ay kalsoonidiisa sharraxaadeed liidato, waxaana la arkayey macalimiin is-dhex yaac badani ka muuqdo muuqaalkooda

=Waxa soo baxay macalimiinta qani ku ah af-kooda hooyo oo sharraxaad ku bixinayaa, iyo kuwa ku celinaaya kelmada Af-Ingiriiska ah oo aan wax kale ku soo kordhinayn casharka.

=Waxa soo baxay agnaannimadda macalimiinta qaarkood, aan kelmad ka dhaadhicin karayn ardayda ee uu maamalaha dugsigu naas-nuujin ahaan shaqada ugu hayo.

=Waalidiinta iyo bulsho-weynta Soomaalilaan ayaa si dhab u qiimeynaysa macalinka haatan iyo wixii ka dambeeya go’aan ka gaadhi doono, marka la soo afjaro xayiraadda uu keenay cudurka Korona

=Suuqa macalinka tayada leh ayaa kor u kici doona, sida shidaalka caalamka oo kale ee marba heer mara. Waxaanay xulushada macalinku ka iman doontaa waalidiinta iyo bulsho-weynta uu macalinka wanaagsani kasbaday. Waa tii hore loo yidhi” Nin ragg ahi carrabkiisa ayuu ku hoos jiraa”

=Ardayda wakhtigan nooli waa kuwa ay mar wada dhasheen Tiknoolajiyadda, waxa aanay fursad u heli doonaan inay sharraxaadkii casharka ay sida ay doonaan ugu soo ceshan karaan. Halka ay markii hore hal fursad oo keliya ay sharraxaad u haysteen.

=Waxa uu is-beddel weyn ku yiman doonaa maamulka dugsiga iyo mulkiilayaasha oo ay dood adagi kagga iman doonto waalidiinta macalimiinta qiimaynaysa. In kasta oo qiimeynta Shay kasta ay bulshadu ku kala duwan tahay, haddana meesha loo badan yahay ayaa ay qiimeynta dhabta ahi ku jirtaa. Waxaa Hore loo yidhi” meeshii qiiq jiro dab ayaa jira”.

=Wasaraadda Waxbarashadda waxa hor iman doonta tayada macalimiinta ay haystaan iyo tayada kuwa ka hawlgalla dugsiyada gaarka ah.

Qalinkii;Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com

COMMENTS
LINKS