“Dhadhaarrada Dheriga Oo La Kala Beddelaa, Dhadhanka Cuntada Wax Ma Ka Beddelaan?W/Q;Aadan Haybe. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Dhadhaarrada Dheriga Oo La Kala Beddelaa, Dhadhanka Cuntada Wax Ma Ka Beddelaan?W/Q;Aadan Haybe.
April 11, 2020 - Written by Editor:

Cusbitaalka Hargeisa Waa muraayadda caafimaadka Somaliland. Waa meel Waqti badan oo noloshayda ah aan ku qaatay. Waa cusbitaal haddii loo helo, ciddii ku habboonayd, noqon kara meel innaga daboosha baahiyo badan oo caafimaad oo dadkeenu u lexaad beelaan ama u dhintaan. Waxaa kale oo uu noqon karaa, meel innoo baajisa lacago badan oo dibadaha innagaga baxa. Wuxuu tusaale wanaagsan u noqon karaa goobaha caafimaad ee kale ee waddanka. Waxaa biyo kama dhibcaan ah, in qofkastaa uu ka qayb-gaato sidii uu u noqon lahaa mid buuxiya baahiyaha aan kor ku sheegay. Madaxda kala sarraysa ee waddanka waxaa waajib ku ah inay ku dedaalaan in Cusbitaalka Hargeysa noqdo xarunta caafimaad ee ugu fiican Geeska Afrika (waa na wax la gaadhi karo, ha yeeshee quluub wada jirtaa qeniya sheekhow).

Waxaan baraha bulshada ku arkay in Agaasime Dr. Yaasiin Carab la beddelay, loona Magacaabay Dr. Axmed Askar. Aniga oo aan ogayn sababta dhabta ah ee ka danbaysa beddelkiisa, aad baan u yaabay. Guud ahaan, aad baa looga wanaagsan yahay isbeddelada deg degga ah ee madaxda lagu sameeyo, waayo waxa luma hannaankii shaqadu hore ugu socon lahayd.

Labada Agaasimeba waa macalimiintaydii, waxaanay ka mid yihiin dadka aan ugu jeclahay dhakhaartiida ku nool Somaliland. Waa laba naftii hure ilaa xadna nadiifka ah musuqa inta aan ogahay.

Dr Yaasiin Carab, waxaanu is baranay muddo hore oo uu agaasime ka ahaa Cusbitaalka Hargeisa oo anigu arday Jaamacadda Hargeisa ku jira aan ahaa. Si xad dhaaf ah ayuu noo soo dhaweeyey arday ahaan, wixii uu nala qaban karayeyna nagama uu hagran. Qiyaastayda, Dr. Yaasiin la’aantii way adkaan lahayd in ardayda Jaamacadda Hargeisa iyo Cammuudba cagaha soo geliyaan Cusbitaalka Hargeysa waqtigaas. Markii aanu bilownay Layliga dhakhtarnimo (internship),Dr. Yaasiin wuxuu madax u ahaa barnaamijka layliga, si dhaw ayaanan ula shaqeeyey. Waa nin dhiirri-geliya dhallinyarada aqoonta leh inay qabtaan wixii ay ku fiican yihiin loona dhiibo. Aad ayuu u dhiirrigeliyaa waxbarashada iyo inuu qofku kor u qaado xirfaddiisa. Wuxuu qayb ka ahaa aasaaska Komishanka Mihnadlayaasha Caafimaadka Somaliland (NHPC), wuxuuna aad u aaminsan yahay in xirfadleh caafimaad kasta oo Somaliland ka shaqeynaya uu liisan ka haysto NHPC. Allah waxaan uga baryeyaa inuu wixii wanaagsanaa ee uu waddanka u soo qabtay, miisaanka wanaagga ugu daro. Aamiin. Dad badan oo aan ku jiro ayaa abaal kuugu haya naf-hurnimadaada ee ha niyad-jebin.

Dr. Axmed Cumar Askar, waxaan bartay muddo ka badan 10 sano ka hor. Waxaan aad u bartay intii uu ahaa agaasimaha Cusbitaalka Hargeisa. Waxaan ku bartay inuu yahay nin shaqo badan ehlu cibaaddo ah, waqtigiisa oo dhanna geliya shaqada Cusbitaalka. Waa aqoon yahan, khibrad badan u leh maamulka barnaamijyada caafimaadka. Mar uu wax noo dhigay, waxaan la yaabay siduu Allah ugu fududeeyey gubdinta casharka iyo sida uu u fahamsan yahay waxa uu dhigayo. Waa nin is dhul-dhig badan oo ka madhan isla weyni. Allah ha ku asturo xilka loo magacaabay.

Inta aan ogahay, Muddodii ay isaga danbeeyeen labadan agaasime, Cusbitaalku hor u kac fiican wuu sameeyey, balse uma dhawa halkii laga rabay.

Sababaha hoose ayaa loo aanayn karaa inuu Cusbitaalku ka hoos maro halkii laga filayey:

  • Maamulka jooga Cusbitaalku inta badan awood ku filan uma haysto fulinta qorshayaasha uu la yimaaddo.
  • Madaxtooyada iyo Wasaaradda Caafimaadka oo u dhaw waxay ku keeneen inuu cusbitaalku noqdo meel faro-gelintooda ku badan tahay. Markaad dib u eegto taariikhda, inta badan faro-gelinta Madaxda sare way uga sii dartaa.
  • Dhaqaale ku filan oo tayadiisa kor loogu qaado marnaba lama gelin, inta yar ee la hayana si fiican looma isticmaalin

Waxaan ku talinayaa:

  • In guddi lagu xulay karti, aqoon iyo ammaano loo sameeyo cusbitaalka oo awood leh
  • In laga yareeyo faro-gelinta tooska ah ee madaxda sare
  • In la sameeyo, maamule (administrator) AJNEBI ah oo ka hoos shaqeeya Agaasimaha oo awood fulineed leh.
  • In waaxyaha ugu waaweyn ee cusbitaalka loo dhiibo dad aqoon fiican u leh waaxyahaas oo AJNEBI ah muddo ilaa 5 sanno ah ugu yaraan
  • In madax gaar ah loo sameeyo waaxyaha nadaafadda, biyaha, ogsajiinta oo wada hoos yimaadda Maamulaha iyo Agaasimaha Guud
  • In dhaqaale fiican la geliyo sidii Cusbitaalka qalabkiisa, dhismihiisa iyo shaqaalihiisaba loo tayeyn lahaa

Sababta aan ajnebiga ugu taliyey waa innaga oo ka arradan habka maamulka. Muddo ilaa shan sano ah ayeynu ka baranaynaa sida cusbitaalka loo maamulo, dad ayey inno tabobarayaan, dabadeedna way iska tegayaan. Wuxuunbaa muhiim ah in aqoonyahanka dibadda la siiyo awood ku filan oo ay isbeddel ku samayn karaan. Ajnebiga aynu wax ka baranaynaa waa inay ka soo jeedaan waddamo, ku guuleystay ilaa xad horumarinta caafimaadkooda. Waxaa innaga yaraan lahayd hebel qabiilba lagu eryanayaa inta isbeddelku hirgelayo.

COLKA WADHAF MA LAGU DAYEY.

QALINKII; AADAN HAYBE FAARAX.

COMMENTS
LINKS