Agaasime-nimada Cusbitaalka Wayn Iyo Waayaha Ku Xeeran! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Agaasime-nimada Cusbitaalka Wayn Iyo Waayaha Ku Xeeran!
April 12, 2020 - Written by Editor:

“HGH Maaha Cusbitaal Weli Qaramaysan, Sidii Dekedda Berberi Ahayd DP World Ka Hor Ayay Wax Waliba Ku Salaysan Yihiin”Nimcaan.

Maalinba Meel bay ku jirtaaye, waa halkii S & J e, ayaamahan dambe waxa aad loo hadal-hayaa isbedelka maamul ee lagu sameeyey agaasimihii hore ee Hargeisa Group Hospital (HGH), Dr. Yaasiin Carab iyo agaasimihii ka sii horreeyey oo dib loogu soo celiyey booskiisii, Dr Axmed Askar.

Run Ahaantii Dhanka maamulka, shakhsiyadda iyo hogaaminta wax badan kuma kala duwana, waa laba nin oo aad isu soo shabbaha meelo badan, waxayse ku kala duwan yihiin sida ay mawjaddaha ku xeeran u kala raacaan iyo fahamka xaqiiqada ee meesha ka jirta oo aad moodo inuu si fiican ula haysto Dr. Askar, tusaale ahaan, meelaha fahamka dheeriga ah iyo is-dul-taagga u baahan marka la eegayo sababta cusbitaalkani fadhiidka u yahay ayaa ah qodobbadan soo socda:

1) HGH maaha cusbitaal weli Qaramaysan, sidii dekedda Berberi ahayd DP World ka hor ayay wax waliba ku salaysan yihiin hal group oo si fiican jaanta isula haysta, xidhiidh fiican leh isla markaana u mideysan inay wax kasta oo ay u arkaan inuu maslaxaddooda ka hor imanayo meel uga soo wada jeestaan, waxa ka mid ah madax-dhaqameed, saraakiil sarsare oo dawladeed, ganacsato iyo xirfadlayaal si wanaagsan u abaabulan.

2)Dr Yaasiin iyo Dr Axmed midkood na laguma keenin aqoontiisa iyo kartidiisa toona, lagumana keenin qabyaalad iyo reerkiisa oo lagala tashaday/lagu raali-gelinayo toona, laakiin Mid walba cid baa wadatay oo danahooda ka dhex arkaysey, Labadii kooxood un baana imika mid ba mar la riixayaa, sidaa darteed isku-bedelka labada masuul marna arrimo beeleed iyo qabyaalad looma sibir-saari karo.

3)HGH maaha meel hal shakhsi, ama 2 qof tooni wax ka bedeli karto ama hogaamin karto, sababtoo ah waa hay’ad wayn oo Masaaliix badan, mashaakil maamul iyo shaqooyin badani ku Xeeran yihiin, imikana diyaar looma aha wax-ka-bedelkiisa, maalinta ay timaado in is-bedel lagu sameeyo waxa loo baahan yahay inuu is bedelkaasi saameeyo qaybaha maamulka oo dhan isla markaana cid hawshaa qaban karta loo diro, maaha arrintu “Kud loo guur; oo Qanjo u guur”, waa cusbitaal qadiim ah oo Aad u baaxad wayn, daneeya-yaal badanina ku xeeran yihiin.

4) Maanta dunida oo dhan gaar ahaanna dawladaha jaarkeena ee innagu xeeran sida Ethiopia, Kenya, IWM waxa ka socda abaabul xooggan oo dhanka adeegyada caafimaadka iyo maamulka ah, cusbitaalladii dawladda iyo kuwii privates-ka ahaa iyo shirkadihii/hay’adihii caafimaadka oo dhan waxa loo dhiibay dadkii ugu kartida iyo aqoonta badnaa, innaguna waad arkaysaan halka aynu ku soconno iyo sida xaalkeennu yahay, sidaa darteed, mindida daabkeeda cid baa haysa, lama wada talinayo ee ciddii sidaa garatay inaan la gudoonsano oo nasiib-wanaagsan u rajayno ayaan soo jeedinayaa.

 

QALINKII; Nimcaan muuse dhaq dhaqaaqe arimaha bulshada

COMMENTS
LINKS