“Waxan Usoo Jeedin Lahaa Gudida Qaran Ee COVID19 Inay Go’aamada Ay Soo Saarayaan Ku Salayso, Siday U Kala Muhiimsan Yihiin”Siyaasi Gaacayte, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxan Usoo Jeedin Lahaa Gudida Qaran Ee COVID19 Inay Go’aamada Ay Soo Saarayaan Ku Salayso, Siday U Kala Muhiimsan Yihiin”Siyaasi Gaacayte,
April 16, 2020 - Written by Editor:

Oodo dhacameed Siday u kala sareeyaan baa loo Guraaye, waxan usoo jeedin lahaa Gudida Qaran ee COVID19 inay go’aamada ay soo saarayaan ku salayso siday u kala muhiimsan yihiin ee fulintoodu u kala horayso si aan loogu margan, si sahlana loogu liqi karo.

 

Bulshadana waxaan leeyahay danteena ayaa ku jirta inaynu u hogaansano oo fulino awaamiirta Guddida iyo Wasaarada Caafimaadka oo yaan la marin habaabin.

Aafada Coronavirus ee aduunka ka wareerisay Reer Somalilandow inagoo midaysan oo meel u wada jeedna ayaynu muquunin karnaa masiibada COVID19; Marse hadii mufaaqo lawaayo noloshu waa mooyi dabadeed.

Alle dariiqa xaqa ah hayna waafajiyo; balaayadana hayna baalmariyo.

Wabilaahi tawfiiq.

Qalinkii; Maxamed Gacayte

COMMENTS
LINKS