Madaxweynaha Waxeynu Ku Aaminay Taladii Qaranka Markii La Dooranayayna Waxaa Laga Filayay In Uu Ku Adkaan Doono Danta Qaranka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Waxeynu Ku Aaminay Taladii Qaranka Markii La Dooranayayna Waxaa Laga Filayay In Uu Ku Adkaan Doono Danta Qaranka!
April 17, 2020 - Written by Editor:

Umadi Waxey Umad Ku Tahey, Oo Kala Dambeynteeda iyo Qiyamkeedu ku Dhisan Yahey Marka Hogaankeeda iyo Hurmoodkeedu ka fayaw yahey, Waxyaabaha hoose ee Bulshada iyo Dadweynihii loo talinayay ku hamiyayaan Damaca Soke iyo Danta Hoose.

Sideedaba Waxaa laga doonayaa Hogaanka iyo Masuulka u Sareeya ee Umad dhan unoqonaya Hogaamiyuhu inuu ka Dheeraado, oo Iimaanka ka Xidho Wasakha Duniyaha iyo Dhadhamada Waxaana Sunne ku ah in aanu Meelna kasoo galin Waxyaabaha u muuqanaya danta gaarka ah oo Mar Walba Saameyn ku Yeelanaysa Madaxweynihii iyo Hogaamiyihii Umad dhami laheyd, Waxa uu kaga tagayaa Dantii Guud marka uu Danta gaarka ah u beydho.

Haddeynu Tusaale usoo qaadano Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi tan iyo Maalintii uu Xilka talada dalka Qabtey iyo Maanta oo uu hayey laba sano iyo dheeraad Waxa maalin Walba joogta Xantii Santa gaarka ah oo ay Meel Walba Wax kasoo baxayaan haddii Aduunyadii oo dhan Xanuun Ka jirro oo Meel Walba digtooni iyo Digniin dhab ah laga hadlayo miyaanay Ceeb ku aheyn Qaranka iyo Madaxweynaha in Masaajidada Xidhitaankooda lagu soo dagdago iyo in La Joojin Kari Waayo Diyaaraddii Itoobiya oo la Yidhaa Madaxweynaha ayaa iyadda ka Wakiil ah Haddii maalin Walba Meel hoose oo dantii gaarka aheyd ah lagu sawiro Halkaynu ku organa dantii Guud iyo Qiyamkii Dhamaa.

Madaxweyne Farmaajo isagoo Muddo kooban Xilka Joogay oo baahi dhaqaale iyo Caqabado ka Waaweyn halkaynu taagneyn ay horyaaleen, ayaa Dawllada Sucuudigu ka Codasatey in uu Qaato lacag Soddon Malyuun ah oo Xidhiidhka u jaro  Dawllada Qadar Waanu ka Diiday, Waxey taasi u Abuurtey Fursado Muhiim ah oo uu Gacantii Dawladaha Shisheeye kaga Xidho Faragalintii ay ku hayeen Dhismaha Dawladd Soomaaliya ka suurtagasha Wuxuu ka adkaaday jabuuti, Wuxuu ka adkaaday Itoobiya, Wuxuu ka adkaaday Qaramadii Midoobay iyo dalacsii Reer Galbeed Wuxuu ka adkaaday Kiiniya iyo Afrikaba.

Haddaba Sideebaynu uga Dabaal karna haday u Reer Somaliland Nahey in Madaxweynihii aynu Taladii iyo Masiirkii dhamaa ee Qaranka ku aamino isaguna uu Noqdo Mid ku Taxaluqa Danihii hoose iyo Dantii gaarka aheyd, Miyaanay qaranimadii hoos u dhac ku keenayn inaguna ayanaan u jabeyn Wakaalada Ethopia Airline.

Qalinkii; Najiib Ismaaciil Maxamed

Somaliland Gabiley

Tell:0634466339

COMMENTS
LINKS