Hambalyo Iyo Taageero Ku Socota Gudoomiyihii Hore Ee Jimciyada Mujaahidiinta Sooyaal Xasan Cabdi Maxamed. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hambalyo Iyo Taageero Ku Socota Gudoomiyihii Hore Ee Jimciyada Mujaahidiinta Sooyaal Xasan Cabdi Maxamed.
April 25, 2020 - Written by Editor:

Waxan halkan hambalyo mug iyo miisaan culus uga dirayaa, Gudoomiyihii hore ee Jimciyada Mujaahidiintii dalka xoreysey ee Sooyaal, Muj. Xasan Cabdi Maxamed  oo ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan  isla markaasina u tartamaaya Doorashada Golaha Wakiilada ee dhawaanta lagu wado inay dalka ka qabsoonto, gaar ahaan Golaha Wakiilada ee Gobolka Maroodi-jeex

Muj. Xasan Cabdi Maxamed, oo lagu xasuusto doorkii lama ilaawaanka ahaa ee uu kasoo qaatay halgankii naf hurida ahaa ee ay mujaahidiintii SNM ee uu kamidka ahaa, dalka dib ugu xoreeyeen, Mujaahid Xasan, ayaa sigaara waxa uu kamid ahaa mujaahidiintii dhalinyarada ahaa ee waliba dhiiranaanta dagaalka iyo furimaha hore beegsan jiray, isagoo isla markaasna dagaaladaasi dalka lagu xoreynaayey ku dhaawacmay.

Muj. Xasan Cabdi Maxamed ayaa sidoo kale waxa soo noqday gudoomiyihii ugu mudada dheeraa ee soo hogaamiya Jimciyada Mujaahidiinta Sooyaal, taasi oo uu soo hogaaminaayey sanadihii u dhaxeeyey 2004 ilaa 2018-ka oo uu xilka ku wareejiyey gudoomiyaha hada xilka haya. Taasi oo intii uu hayey xilka gudoomiyenimo ee  Jimciyada Sooyaal uu wax weyn ka bedelay nidaamkii hogaamineed iyo waxqabad ee jimciyada isagoo isla markaasina aad uga hawl-galay daryeelka duruufaha adag ee haatan ay ku sugan yihiin qaar kamida mujaahidiintii dalkan usoo halgamay, dhinaca kale Muj.Xasan mudadaas uu xilka hayey waxa uu noqday gudoomiyihii ugu horeeyey ee awlaadii ay dhaleen mujaahidiintu dhinaca waxbarashada ka kaalmeeya isagoo isla markaasina waxbarasho bilaasha uga raadiyey jaamacadaha dalka, taasi oo Allena ku guuleeyey, isla markaasina boqolaal kamida Agoontii mujaahidiintu dhaleen ay ugu suurtowday inay helaan waxbarasho heer jaamacadeed ah.

Hadii aan halkaas kusoo koobo, Waxqabadkii Muj.Xasan Cabdi Maxamed ee intii uu hayey xilka gudoomiyenimada Jimciyada Sooyaal, oo aynu qormo gaar ah kusoo bandhigidoono, aan u gunda dego abaartayda maanta aan qalinka u holadaye, Muj. Xasan Cabdi Maxamed waxa uu kamid yahay, halyeeyada fara ku-tiriska ah ee Alle hibada u siiyey karaamada iyo sharafta hogaamiyenimada ah ee loo dhasho, isagoo isla-markaasina,  kamida haldoorka iyo hantida gaarka ah ee Qaranka Somaliland, ka sugaayo inay hiil uga noqdaan heeryada maamul-xumo iyo musuq-maasuqa bariinsaday ee uu baday Golaha Wakiilada mudada dheer sharci-darada iskaga fadhiyey.

Muj. Xasan Cabdi Maxamed, oo shacabku hore ula socdeen doorkiisii hogaamineed ee Jimciyada Sooyaal ee uu waxqabadka muga leh muujiyey iyo taariikhdiisii halgan ee uu dalkiisa nafta ugu soo huray iyo kaalintii lama ilaawaanka ahayd ee uu ka ciyaarayba, Muj. Xasan Cabdi Maxamed  ayaa  bulshadu aad ugu diirsadeen markii uu soo gaadhay warka sheegaya inuu u taaganyey doorashada soo socota ee Golaha Wakiilada Gobolka Maroodi-jeex , taasi oo baraha bulshadu ku xidhiidho lagu arkaayey hambalyo iyo bogaadinta ay bulshada reer Somaliland guud ahaan ku qaabileen shaacinta Musharaxnimada Golaha Wakiilada Gobolka Maroodi-jeex ee, Muj. Xasan Cabdi Maxamed .

Guntii iyo gabagabadii waxaan maqaalkaygan kusoo af-meerayaa Muj. Xasan Cabdi Maxamed, Baahi weyn bay bulshada gobolka Maroodi-jeex iyo guud ahaan bulsho weynta Somaliland-ba  u qabaan inuu kusoo biiro Xildhibaanada ku matalaaya Golaha Wakiilada, waanu ku guulaysanayaa insha alaah hankiisaas iyo himiladiisaas Siyaasadeed ee uu isu soo taagay.

Allaa Mahadleh

Guuleed Nuur Xasan

Gobtaguusha@gmail.com

Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
LINKS