Waa Maxay Sababta Qur’aanka loogu Soo Dejiyey Luqadda Carabiga?W/Q:Khadar I, Aar. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waa Maxay Sababta Qur’aanka loogu Soo Dejiyey Luqadda Carabiga?W/Q:Khadar I, Aar.
April 30, 2020 - Written by Editor:

Su’Aashani Maaha mid sahlan markay ay iswaydiinayaan dad aan Muslimiin ahayn ama Dad Muslimiin hore u ahaa ,sidoo kale maaha su’aal la fudaydsan karo marka ay maskaxdooda kusoo noq-noqonayso dad Muslimiin dhab ah,balse u baahan Jawaab qancisa,madamaa ay Su’aashu Caqiido salka ku yeelan karto; waa su’aal baadhaysa Sheekhow waxyaabo badan.

Way fududahay in dadka su’aashan qaba in iyaga laftooda su’aal kale la waydiiyo oo odhanaysa : Nabi Muxamed SCW ,madamaa uu ahaa Carab Nabi-nimana loo doortay ,hadii lagaa talo-galin lahaa Waxyiga Ilahay luqada loogu dhiibaayo Nabiga SCW,ma waxa aad ku talin lahayd luqad aan tuu garanaayo ahayn in Waxyiga loogu dhiibo?!

Xigmadda iswaydiinta Sababta Luqadda Carabiga Qur’aanka loogu soo dejiyey taasi oo kaliya maaha ,way ka xeel dheertahay,su’aasha Kutubaha iyo Bugaagta laga qoraa waa tani:

Qur’aanka Aayado ka mid ah ayaa caday naaya in Qur’aanka si xul ah looga Doortay in lagu qoro laguna soo dejiyo Luqada Carabiga,Tusaale ahaan :

“إنا أنزلناه قرآنا عربيا لعلكم تعقلون” Waxaan ku ku soo dejinay Qur’aan Carabi ku qoran si aad u fahamtaan”{Surat Yusuf},” “قرآنا عربيا غير ذي عوج””Quraan aan aktiisa laga helayn wax isdhaafa/habaysan” {Surat Al-Kahf}, iyo “”بلسان عربي مبين”{Surat Al-Shuara}, iyo Aayado badan uu muujinaaya in  Qur’aanku ku qoran yahay luqadda Carabiga, Ilahayna uu ku dhaadanaayo ku qornaanta luqada Carabigu in ay tahay mid faa’iido badan u yeelan doonta dadka.

Hadii la odhan lahaa oo kaliya,sababta Qur’aanka Carabiga loogu soo dejiyey waxa ay tahay ,Nabi Muxamed SCW ayaa ahaa Carab ,kuna hadlaayey Luqadan,in Luqad aan tiisa ahayn Waxyi loogusoo dejiyaana maaha wax caqli gal ah,taasi waa sax,lakiin waxa dadka qaarkii si gaar ah dhadhan iyo dareen ka muujiyeen ,Markhaati furka Ilahay si cad ugu sheegay in Carabigu uu yahay mid la fahmi karo ** SU’AASHUNA WAA TANI**”إنا أنزلناه قرآنا عربيا لعلكم تعقلون” ,su’aashu waa taasi?oo waxaa meesha soo galaysa miyaan luqadahii kale ee xiligaasi Xoogga lahaa laguna hadli jiray aan la fahmi jirin ??

: Aan u raadino Jawaab Caqli ah ,kuna sar-go’an sabankan aynu ku jirno iyo kii horaba:

1.Jawaab fudud ayaa waxa ay odhanaysaa, Nabi Muxamed madamaa uu ka dhashay Qoomiyada Carabta khasab waxa ay ku noqonaysaa in waxyiga iyo amarada la faraayo loogu soo dejiye Luqada uu u dhashay.

2.Dadka la rabo in dacwada la gaadhsiiyo,waxa udub dhexaad wakhtigaasi u ahaa Carabta,taasina waxa ay sabab u noqonaysaa in Quraanka lagu soo dejiyo Carabi.

3.Dadka Carabta ee Mandaqadaasi ku noolaa xilligaasi waxa ay ahayeen dad ku hormaray aftahanada iyo hibooyinka Luqada Qarabiga,waxaana dhulkooda ku yaalay Xaramkii Barakaysnaa oo meelkasta loogasoo cibaado doonan jiray.

4.Astaamaha luuqadda Carabiga, awoodeeda garashada , dabacsanaanta muuqaalkeeda iyo dhadhanka ay samaynayso marka lagu hadlaayo, soo saarista Carabta nafleyda, waxa ay ku tusinaysaa in ay tahay tii saxda ahayd ee Qur’aan lagu soo dejinlahaa.

5.Luqada Carabigu waa luqad ay ku hadleen  Nabiyaal waaweyn (naxariis korkooda ha ahaatee) taasi oo ka turjumaysa sida ay raadka ugu leedahay deegamadaasi Diimaysan ee Ilahay laga faham-san yahay.

6.Marka laga hadlaayo Shuruudaha Luqooyinka iyo baaxada ay u leeyihiin in ay ku hadli karto cid markaasi rabta in Dadka oo dhan ay wax u sheegto Jin iyo Insiba ,Luqada Carabigu waxa ay noqotay mida ugu cadaynta badan fahamka macnayaasha badan dadka baranaaya.

7.Wax yaabaha la ogaaday waxaa ka mid ah,wakhtiyadan danbe in Afka Carabigu uu yahay midka kaliya ee aanu ku dhicin wax doorsoon ah, maxaa yeelay Carabtu dib ayey u soo nooleeyaan markasta Luqadooda.

8.Marka aad eegto dhinaca Qoraalada iyo tirada xarfaha tarankooda  ,Labadii   Sadar ee Carabi ahi ,dhamaan luqadaha Adanaha waxa uu u dhigmaa Sadax sadar,taasi waxa ay ku tusaysaa koobnaanta waxa laga hadlayo haday tahay qoraal iyo haday tahay ku hadalba.

9.Xigmadda iyo Garashada Xeel-dheer ee Ilahay Adoomahiisa iyo Luqadaha ay ku hadlaan uu u leeyahay ayuu u doortay in CARABIGU uu noqdo Luqada Qur’aanka,taasina waxa ay ina tusaysaa Maslaxadeenu in ay ku jirto sida uu Rabbi doortay,waana mas’alo Caqiido ah.

10.Carabtii xiligaasi waxa ay ahayeen dadka ugu dulqaadka badan ,diiqsisan,naxariista badan,geesinimada leh mandaqadaasi dadkii ay kula  noolayeen,taasi waxa ay qayb ka noqon kartaa in Qur’aanka lagu soo dejiyo Nabi Muxamed SCW oo Carab ah, lana qaato Luqadii Carabiga.

11.Luqada Carabiga ahi,waa Luqada ugu asalkeed-ilaashiga badan Luqadaha Aadanaha 96%, Luqadaha kale ee Dunida lagaga hadlo midkasta waxa aad ka helaysaa Luqada Carabiga si ay ku timiba.

12.Carabta waxa lagu tilmaama dadka ugu dhex galka badan dadka,iyaga oo aan joogin dhulkooda,taasi waxa ay qayb ka noqon kartaa qaabka xadarada Bad-mareenimada ay Dunida wakhtiyo hore ku tageen Afrika,Aasiya iyo Yuruba,Luqaduna sideedaba waxa ay la socdaa Qofkeeda.

Waxba xujjo hayskaga dhigin sababta Quraanka loogu soo Dejiyey Luqada Carabiga,kuwii wakhtigaasi Nabiga noolaa isla markaana Carabta ahaa ayaa waxa ay odhan jireen “Maxaa malaa’ig losoo diri waayey inta qof nool lasoo diraayo,qaarkale waxa ay odhan jireen “Inankan yar ee Agoonkaa maxay ayuu Ilahay ku falay inta Rag magaclahi Carab dhexjoogo IWM.

W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

France Paris.

COMMENTS
LINKS