Sadaqadii Amiir Khan Ee Saxaafadu Ka Yaabtay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sadaqadii Amiir Khan Ee Saxaafadu Ka Yaabtay!
April 30, 2020 - Written by Editor:

Jilaaga caanka ah ee Amir Khan ayaa sameeyey qaab cajiib ah oo uu ku caawinayo dadka masaakiinta ah ee dalka hindiya.waxuu dadka u qaybiyey raashin dhan hal kiiloo oo daqiiq ah oo bac ku jira.Taasi oo meesha ka saartay in qof baahan mooyee cid kale aanay hungureyn,waayo kiiloo daqiiq ah cidna cadceed u istaagi mayso!

Hadaba waxay noqotay arinta deeqdan amiir khaan cajiibka ka dhigtay bac kasta oo kiiloo daqiiq ahi ku jirtey waxaa hoosta kaga jirtey lacag kaash ah oo dhan 15kun oo rubi oo u dhiganta 2kun oo dollar.

Waa deeq farxad galisay dadkii faqiiriinta ahaa dadkii kalena filanwaa ku noqotay

Oo saxaafada hindiya aad u hadal hayso

Sideedaba sadaqadu waxay ku quman tahay qarsoodiga

 

COMMENTS
LINKS