WAJAALE NEWS

Baaq Ku Socda Bahda Reer Sanaag,

Habeenadanba Waxa Dhawr jeer isoo hormaray oo aan daawaday, Muuqaallo runtii aan I farxadgalin, Oo lagu Sheegay Shir Jaraa’id, Odayaal Go’ Casayaala iyo Dhalinyaro Geelley u badan ayay ahaayeen, Waxay Nimankaasi ka hadlayaan Colaad, Dhul laysku haysto, Hanjabaado ay hawada isu Marinayaan iyo hadalo dambi mooyaane Khayr aan looga qorayn .

Sanaag Waa Gobol Inta badan ay ka soo tafiirmeen Dadyowga kala duwan ee Soomaaliyeed, Waa Gobol Xadaarado guuna leh, Waa Gobol nimcooyin badan Beero, Durduro, Beeyada iyo Fooxa Eebbe ku galladay.

Waa balad dalxiis, Oo Indhaha u roon, hadday noqoto buurta Daalo, Gudmo biyo Cas iyo goobo badan oo Wax la mid ahiba yaryihiin, Sidoo kale Waa Gobol Bad iyo Barriba barwaaqadiisu dihintahay.

Intaasiba iyada oo ay jiraan haddana, Waa Gobol, Waxbarasho ahaan, Caafimaad ahaan iyo Dhamaan adeegyadiisa Dawladnimo ay liitaan, Shaqo abuur dawleed iyo mid ganacsatadu u samaysay midna aanu ka hirgalin, intaa Waxa u sii dheer Dagaalo Sokeeye oo si macno darro ah uga soo noqnoqonayay in Muddo ah .

Haddaba Reer Sanaag Waxgaradkiisa, Culimadiisa, Aqoonyahankiisa, Dhalinyaradiisa Caqliga Wacan, Hooyooyinkiisa Sharafta badan iyo Dhamaan bulsho Wayndiisaba , Waxaan u dirayaa baaq, baaqaas oo ah Inay Damiirka iyo Garashada toolmoon dib u soo celiyaan .

Sideedaba Somaliland Dawladnimadeedu maaha mid , aasaaskii Dawladnimo laga helay, Dadwaynaha’se ku nool Gobol kasta Degmo iyo Tuulo kastaaba, Iyakaa isku tashatay,Oo Dhistay Nabadgalyadeeda, Cidna aan ka ogolaan Inay faragaliso.

Danqaabo yari Way soo kala gaadhaa, beelaha Ood Wadaagta ah, mase noqoto mid riiq dheeraata, raali ahaanshahooda ayay maatidoodu, ku Samato baxeen.

Waxbarashada , Caafimaadka , Laydhka, Waddooyinka , intuba Waa astaamaha Dawladnimada, haddana Shacabka ayaa Samaystay oo maalgaliya, way kooban tahay Inta Dawladi qabatay, ee lagu baahi baxay.

Haddii Dawladnimadii Somaliland ee Soddonka Sanno Jirtay idin hagratay, Oo aanay Waxba idiin qaban, idinkuna sow ismaydaan Hagran ? .. Haa .. Waa is hagrateen oo Qorigii Sagaashankii Somalilandtu dhigtay baa Wali degta idiin Saaran, horumarkii Ubadkiinana ku hilmaamteen.

Billaahi Calaykum Colaada Nabad ku badala ! Waa is hurantihiin oo meel ku kala guuri maysaan, Waxaad tihiin Wiil iyo Abtigii, Wiil iyo Adeerkii , isu Eedo iyo isu Habaryar ayaad tihiin , Dhulkii Gayiga ugu balaadhnaa ayuu Guulle idiinku Galladay, Dhulka iyo Dadka, Dhulkaa idinka badan .

Intaad buuraha iyo Dooxyada kala sheeganaysaan, ee boqolaalka Geesi idin kaga dhimanayaan, keena Caqligii Kalluunka badda ku jira aad ugu iibgayn lahaydeen Geeska Afrikaba .

la soo baxa Macdanta Dhulka , Ubadkiina Waxbara oo Iskuulo tayo leh u sameeya, ha la tartamaan Ubadka Boorama, Gabiley, Sallexlay, Berbera iyo Burco ka soo baxaya

 

Cusbitaalo aad ku baahi baxdaan samaysta, Oo Hooyada Umul raacaysa lagu badbaadiyo, ku tartama Inaad dhisataan Jidad, Dawlada kula Xisaabtama halka uu marayo Jidkii Ceerigaabo tagayay.

Ha moodina Iskuulada Jaamacadaha, Cusbitaalada, Jidadka iyo Saraha dhaadheer ee Hargaysa iyo Boorama ku yaalaa Inay Dawladi dhistay, Dadwaynahaa iskaa Wax u qabso ku dhista, Shacabkaa Maalgashada Goobaha Waxbarasho iyo Goobaha Caafimaadba

Waad leedihiin Awoodeedii, Caqliga qoriga iyo Rasaasta Lacagta ku bixiyay, ma keeni Waayin inuu Waxbarasho galiyo, Caafimaad galiyo, Shaqo abuur u Sameeyo Dhalinyaradiisa , Nabad ku Seexiyo Maatidiisa .

Duunyaa la ilaashaaye, Dad lama lama jiro ! Idiin ma ogi Inay jirto Cid idin kala ilaalin kartaa, haddaydaan idinku dibu dhaca ka bixin, Oo horumarka u jihaysan,

Xabadda aydaan dhigin, Oo Jabhada Magacyada kala duwan leh, ee maalinba mid la soo baxaysaan, aydaan ka gudbin .

Sheekh iyo Shariif gurmad idiinku yimid, Oo Habeeno idiin dhaxay, Xalkiina ma hayo, Idinkuuse gacantiina ku jiraa.

Gunaanadkii Waxaan ku soo af-meeri lahaa baaqaygan gaaban ; isku duubnidiina, isku Uurfayoobaantiina, ayaad horumar ku gaadhi kartaan, Allana idiinkaga raali noqonayaa, inta idin Jecelna ku farxad galin kartaan, kuwa idin necebna ku Jabin kartaan . Illaahayna ha idin garansiiyo Wanaaga iyo Samaha

W/Q: Maxamed-Ugaas

Exit mobile version