Odayga Hala Siiyo Xubin Sharafeed Golaha Guurtida Ah! Qalinkii;Abiib Iimaan Xasan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Odayga Hala Siiyo Xubin Sharafeed Golaha Guurtida Ah! Qalinkii;Abiib Iimaan Xasan.
May 6, 2020 - Written by Editor:

Dhawaanahan Waxa Baraha Bulshada kusoo Noqnoqonayey Hadal Muuqaal ah Oo laga Duubay Oday Maxamed Xasan Cali Waji Aakhirkiina hadalkaasi waxa laga baahiyey warbaahinta somaliya isagoo u muuqda rinji sifool xun loo marinayo Wajahada somaliland,

Haddaba Hadalkan waxa laduubay waqti uu odaygu ku Xodxodanayey Xukuumada inuu mansab ka helo mana aha xiligan mid shinkiisii baahineed Haysta…

Dalka iyo dadka reer Somaliland waxa ka suurto gasha hadal cad oo qofka damqa in lagu yidhaa laakiin xaasha cunsuriyad cad iyo hayb sooc noocan ahi waa ma dhacdo..

Waddan kasta oo dagaal ka dhaco dunida oo dawladiisii jabto Kama dhacdo heshiis nabadgelyo iyo turxaan bixin lamid ah tii Dhexmartay ururkii SNM iyo beelihii kale waana tusaale mudan Oo aan cid dafiri kartaa jirin xaqiiqatan maxamed xasan cali iyo Inta lamidka ahi xaqbay u leeyihiin wasiirnimo ku xigeen Agaasime guud iyo wax udhigma waa marka han iyo hunguri samaan wax kudoonayaa jiro way cadahay in xilalka iyo daroojinka lagu kala badan yahay laakiin maaha xeer inoo qoran iyo distoor sidaasi qorsheeyey balse waa qalinka iyo duruufaha jira mana aha mid waligeed sidaa ahaanaysa…

Xiligan Maxamed Xasan Cali Weji waa Agaasimaha TV ga qaranka isagoo hawlgab ah oo fikir iyo karti midna aan u haynin hawshaa adag balse wuxu xilkaasi ku difaacaa calaacal iyo inuu iska fogeeyo qofkasta oo uu ogyahay inuu badali karo sida xuseen cabdilaahi Deeqsi oo ah qofka ugu mudan inuu xilkaasi qabto karti dulqaad iyo aqoonba balse odayga ayaa iska fogeeyey isaga iyo niman kale markii uu Wasiir saleeban C koore dhegta u saaray in aanay ka amar qaadanin calaa kuli xaal TV ga dawlada haloo taliyo odaygana haloo taliyo oo xubin sharafeed guurti ah haloo doono hana ogaado inuu gayo ilaa heer madaxweyne oo umadda xaal haka siiyo hadalkiisan dhiilada ah ee sii fogaynaya inta yar yar iyo jiilka wax bartay….

Qoraalkani waa fikirkayga shakhsiga ah mana aha mid khuseeya wasaarad iyo xil midnaba.

W/Q; Abiib liman Xasan

 

 

 

 

COMMENTS
LINKS