“Fulin La’Aanta Go’Aamada Xukuumadu Waxay Fursad Siinaysaa Fafitaanka Xanuunka Covid19”Gaacayte, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Fulin La’Aanta Go’Aamada Xukuumadu Waxay Fursad Siinaysaa Fafitaanka Xanuunka Covid19”Gaacayte,
May 8, 2020 - Written by Editor:

Guddida Heer Qaran Ee COVID19 way dadaalayaan runtii balse fulinta go’aan kasta oo guddidu soo saarto waxay u baahan yihiin dadaal badan iyo dabagal joogta ah si loo dhaqangaliyo. Waxa la yidhi faraska waxa usha loogu dhuftaa hakasii badiyo, Ilaa hada go’aanadii lasoo saaray fulintooda markad eegto waxa ka muuqda dabac iyo dabagal la’aan marka laga reebo go’aanka qaad joojinta oon ku hambalyaynayo hay’adahii ay khusaysay oo si adag uga hawlgalay cid kasta oo go’aanka baalmartay sharciga horgeeyay oo ku riday xukun iyo ganaaxba, gaadiidkii badeecada la joojiyay lagu sideyna dawladu la wareegtay.

Hadaba; waxa loo baahan yahay inay Guddidu ka hawlgasho go’aanadii kale oo ay dabagal ku sameeyaan fulintooda waxa hortaagan. Tusaale ahaan Maanta Hargeysa Hoteladii way camiran yahiin, Maqaaxiyahii la mid, Basaskii way buuxaan oo kama qasnaba, Isdhexgalkii bulshadu wuu siibatay, halka wacyigalintu hoos u dhacday marka loo eego maalmahii carcarta xanuuunku jiray. Dhowaan Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi wuxuu sheegay inuu isbadaly jawigii xanuunka covid19 oo uu Somaliland gudaheeda ku fiday dalkuna khatar ku suganahay waxa lagaga badbaadi karaana tahay in meel looga soo wada jeesto iyadoo loo hogaansamayo talooyinka dhakhatirta iyo awaamiirta Wasaarada Caafimaadka. Sidaas darteed Guddida waa inay dib u eegto qorshaha iyo qaabka loola tacaalayo xanuunka iyo dhaqangalinta go’anadii ay hore usoo saareen kuwas oo hadii lafulin waayo fursadsiinaya faafitaanka xanuunka. Ilaahay hayna ilaaliyo inaguna Alle bariga aynu badino.

Ugu danbayn Dadweynaha waxaan leeyahay danteena ayaa ku jirta inaynu u hogaansano oo ku dhaqano awaamiirta Guddida covid19 iyo Wasaarada Caafimaadka ee haloo dhago nuglaado, waayo aafada Covid19 ee aduunkii oo dhan ka wareerisay Reer Somalilanoow inagoo midaysan oo meel u wada jeedna ayaynu muquunin karnaa; Marse hadii mufaaqo lawaayo noloshu waa mooyi dabadeed.

Wabilahi tawfiiq.

Qalinkii: Maxamed Gacayte

Hargeysa/Somaliland

Gacayte09@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS