Dhalinyarada Afur Kal-kaal Oo Deeq Raashin Ah Gaadhsiiyay 25 Qoys Oo Danyar ah Magaalada Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhalinyarada Afur Kal-kaal Oo Deeq Raashin Ah Gaadhsiiyay 25 Qoys Oo Danyar ah Magaalada Hargaysa.
May 8, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Madasha ay ku bahoobeen dhalinyarad aqoonyahanka ee Afur Kalkaal dadkaaga baahan ayaa deeq raashin ah gaadhsiiyay dadka danyarta ah eek u nool qaarkamid ah xaafadaha magaalada hargaysa.

Waxaa fikraddan si wadaaga uleh madasha aqoonyahanka reer somaliland ee Dalka hindiya wax kusoo bartay, oo la damqaday waqtigan adag ee duruufaha nololeedna uu jiro inay dadkooda wax soo gaadhsiiyaan, Bahdan aqoonyahanka ahi waxay tiraba hore uga soo qayb qaateen sida:-

1-Hospital wayn gaar ahaan qaybta dhimirka

2- Dadka danyarta ah inay Fee-ga waxbarasho qaarkood ka bixiyaan.

Bishan ramadaan ee Xanuunka Convid19 oo sababay in shaqadii iyo noloshiiba istaageen inay sadaqo kagala qayb qaateen bulshadooda dhaqaale xumaddu soo wajahday,sidoo kale tabarucaadkan afuri walaalkaa wuxuu u furan yahay qofkasta oo reer somaliland ah oo wax ku darsanaya.

Hadaba dhalinyarada isku kaashatay caawinta dadkooda baahan ayaa ah Asxaabta  kala joogta dalka dibadiisa UK, USA,CANADA,SWEDEN,QATAR,SOMALILAND waxay intii itaalkooda ah ku bilaabeen inay afuriyaan walaaladooda wacyiga iyo waaqica adag haleelay.

Halkan barakacayaasha Dagan Tower-ka HCTV ee new hargeisa iskuulka Abdisalaan haji adan qabile waxaan u qaybinaynaa 25 qoys raashin ku filan hal bil Bariis. Sonkor.Daqiiq,Saliid .

Sidoo kale dhalinyaradi waxay   gaadhsiin doonaa raashin 2 goobood ilaa sadex goobood oo min 25 qoys noqon doono.

Waxaan allah ka baryaynaa intii la baxday saddaqadaas in allah halkay kasoo saareen wax wayn ugu badalo.

Waxaa kale oo aan ka codsanayaa inta jecel inay bixiso in bishan khayr ka badan Sadaqada naftooda ilmahooda iyo waalidkoodaba kula baxaan xiligan adag iyo dadka ku haboon.

Diyaarintii Xubin ka mida Guddida Soo abaabushay Afur kalkaal. Ahmedyasin Sh Cumar Ahmed.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALA AFUR KALKAAL IYO BARNAAMIJKA CAAWA DADKAAGA BAAHAN;

 

COMMENTS
LINKS