Muwaadin Kala Garo Amuuraha! W/Q;Sakiye Raabi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muwaadin Kala Garo Amuuraha! W/Q;Sakiye Raabi.
May 11, 2020 - Written by Editor:

Tan iyo markii ay dheceen dagaaladii dib-u-xoraynta dalka Somaliland, waxa ummada soo food saaray dhibaatooyin iyo caadooyin aan la soo koobi karin. Dhibaatooyinkaa oo ay dhaxalsiiyeen dagaaladii, bay-hoofkii iyo barakacii ku dhacay bulshada Somaliland, iyagoo marka horaba la daalaa dhacayey Nacaybkii iyo uur-ku-taalooyinkii ay dhaxal siisay Dawladdii kali-taliyihii Af-wayne iyo rakaabkii talada xumaa.

Kasii darane ummadda Somaliland burburka iyo nafwaaga ku dhacay waxa usii dheer Aaminaad darrida iyo nacaybka ay u qaadeen waxa loo yaqaan (Dawladnimo) waxaana ku dhacay Nacayb Sharci, Kalsooni la’aan iyo Iska difaac dawladeed, waxaana meesha ka baxay nidaamkii iyo kala dambayntii.

Waxaan shaki ku jirin haddii ummaddi waydo kala danbayn iyo is maqal in aanay jiri doonin horumar lagu faani karo oo ay yeeshaan bulshada ay asiibto kala danbayn la’aantu, waxaanay waligoodba wehel u ahaanayaa Diif, Daranyo iyo Dulmi.

Walaalayaal Dad iyo dalkiisuba waxay horumar iyo barwaaqo ku gaadhaan kuna badhaadhaan waa kala danbayn, Wadajir iyo is ixtiraam xooggan oo dhexdooda yaala.

Haddaba iyadoo lagga duulayo in la helo maamul wanaag iyo haykal dawldnimo oo ku dhisan Sharci iyo kala dambayn, waxa loo baahan yahay la abuuro barnaamijyo kala duwan oo lagu wacyi galinayo bulshada Masaakiinta ah ee ay ragaadiyee Qabyaalada iyo qaraaba kiilku, si ay fursad ugu helaan looguna sharxo ama loo tuso waddada loo maro dhisashada dawlad taama oo leh kala danbayn iyo maamul wanaag, taasi waxay suuroobaysaa marka bulshada la baro kala duwanaanshaha iyo kala soocnaanta qodobadan hoos ku qoran.

Muwaadin Kala garo:-

  1. Qaranimo iyo Dawladnimo,
  2. Qabiil iyo Qabyaalad,
  3. Mucaaridad iyo Munaafaqad,
  4. Taageero iyo Guul-wadayn.
  5. Siyaasad iyo Khiyaamo.
  6. Xoriyad iyo Xad-gudub.
  7. Ra’yi dhiibasho iyo Cayntan
  8. Dhaliil iyo Af-lagaado
  9. Dan-guud iyo Dan-gaara
  10. Masuuliyad qaran iyo Tolnimo.
  11. Amar iyo Hanjabaad

 

ALLAH MAHAD LEH

By: ZAKARIYE M. RAABI….

 

COMMENTS
LINKS