Qiimeynta, Qorshaha Iyo Qaadhaanka Iyamaa Horeeya?!!W/Q;Mahamed Dhimbiil. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qiimeynta, Qorshaha Iyo Qaadhaanka Iyamaa Horeeya?!!W/Q;Mahamed Dhimbiil.
May 12, 2020 - Written by Editor:

( Daah furnaanta iyo qorshuhu waa laba meelood oo aynu u baahanahay in aynu aad isaga hagaajino, waxii ku soo dul dhac ah ee yimaadaa ama aan lagu talogalin wax uun baa laga yeeli doonaaye )

Dadkeenu way wanaagsan yihiin marka hawli timaadona way gurmadaan Ganacsatadu ha ugu horeyso e , waxaa Ina soo maray hawlo badan oo qaadhaan la ururiyey sida gurmadkii abaaraha iyo mid lagu sheegay ka soo kabashadii iyo xooleyntii dadkii xooluhu kaga madheen , gurmadkii iyo qaadhaankii wadada Ceerigaabo iwm.

Waxa wanaagsan in la qiimeeyo horta maxaynu u baahanahay dhaqaale intee leeg ayaa loo baahan yahay, gurmadka aynu galaynaa mid qaabkee wax u qabanaya ayuu noqonayaa, arimahani waxa ay dawo ka yihiin tacab qasaar iyo istuhun in uu dhaco.

Dhismaha wadada Ceerigaabo waxa loo guray dhaqaale badan waxaa loo kordhiyey cashuur saaid ah , waxa la sameeyey qaadhaan qofkasta oo dawlada u shaqeeya mushaharkiisa laga jarayo, ilaa hadda way socdaan cashuurahaasi inkasta oo aanay jirin qaadhaan ururintii kale laakiin waxa isweydiin leh wadada Ceerigaabo dhaqaalaha ay inooga baahan tahay imisuu ahaa ? imisa sanadood ayey inagu qaadaneysaa dhismaheegu? iwm.

Gudidii abaaraha oo dad culimo ah u badnaa oo dhamaantoodna dad aan baahi xoolo umadeed u heyn iila muuqday, ayaa qorshe la’aantoodii iyo nidaamka ay u shaqeynayeen oo aan qorshe ku soconi waxa ay dad badan galisay tuhun, walow ay ka jawaabeen oo ay ka hadleen sidii ay wax ahaayeen dhaqaalihii soo hadhay iyo arimo badan oo noocaasi ahaa.

Abaaraha ka dib ayaa xukuumadii Somaliland ee xiligaasi ay sheegtay in qaadhaan kale la guro si loogu xooleeyo dadkii abaaruhu xoolaha ka dhameeyeeen, waxaa xusid mudan in xiligaa ay dawladu tidhi xataa dhaqaalihii aanu ku bixin jirnay munaasibada 18 May waxa aanu ugu deeqaynaa in dadka lagu xooleeyo, culimaduna waxa ay sheegtay in waxii gurmadka abaaraha ka soo hadhay loo qorsheeyey baliyo iyo ka hortaga abaaraha dambe, labadaasi arin midna meel uu ku dambeeyey maan maqal.

Xiligaasi gurmadka lagu jiray waxa la iibiyey gaadiid tiro badan oo leh booyadaha biyo dhaamiska, baabuur Ambulance yo ah oo tiro badan oo ahaa baabuurta qaaliga ah ee loo yaqaano Hardtopka, inaga oo aan cidna ceebaynayn oo ay Ina hayso lexo jeclada dalkan iyo dadkani halkee ay ku dambeeyeen hadii la isweydiiyo in aan dambi inaga raacayn baan filayaa.

Haddaba maanta oo aynu jirno gurmadka la dagaalanka xanuunka #Covid19 mala isweydiiyey dhaqaalaha aynu kula dagaalamaynaa inta uu noqonayo hadii qiimeyn la sameeyo inta gaadiid caafimaad , dhakhtaro, oxygen iyo agab aynu u baahan karno maadaama oo tirada dadkeena la yaqaano, waxa aynu hada haysonana aynu og nahay , waxa aynu baahanahay waa la sheegi karaa ama Waa lagu dhaweyn karaa si hadii aynu wada awoodi waynona aynu aduunka ula qayshano.

Inta badan waxa aad moodaa in dhibaatooyinka la mashruucsado, taasi oo niyad xumo iyo aamin daro ku keenaysa dadkeena oo laga yaabo in ay halkaa ka abuuranto in dhaqanada wanaagsan ee wadajirka iyo wax istarku marka hawlo yimaadaan inaga baaba’aan.

Aduunka aynu aragnaa in badan waxa ay kaa faaiideysteen in dhibaatooyinka soo mara loo helo xal marka dambe ee ay soo noqdaana si dhibyar looga gudbi karo, waana sababta ay cilmi baadhista dhaqaalaha badan u galiyaan inta badan.

Sida aynu waxa aynu haysano u hagaajisanaa waxa ay saamaxeysaa in aynu wax badan oo kale heli karno, wax badan qabsan karno, dhibaatooyinka Ina soo mara wax ka baran karno oo aynaan marka dambe sidii markii hore oo kale is dhex yaac iyo qorshe la’aani inoogu dhicin, Waan amaanayaa is abaabulka iyo wax istarka dadka Somaliland bilaabaan xaaladaha adag waanan ku hambalyeynayaa.

#Awooda_Shacabka

QALINKII;- Muxamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS