Halkan Ka Akhri Maansada “Baxsaneey Wajaalaay” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halkan Ka Akhri Maansada “Baxsaneey Wajaalaay”
May 12, 2020 - Written by Editor:

1.Baryartiyo agoomaha hoyga biilka siiyaa baxsaneey wajaalaay.

2:Beerihii hadhuudhkoo intuu roob barqadii helay bilicdii naftaydaa baxsaneey wajaalaay

3;Boholyowga noloshiyo beryo taan ku korayeey baxsaneey wajaalaay

4;Barkadii aqoontiyo burcadiyo barwaaqooy baxsaneey wajaalaay

5: Boqor waa ilaahee allow beryo ku siidaa boholaha hadhuudhkiyo biilkii aan madhaneey baxsaneey wajaalaay

6: Ninkii berri ku soo maray boholyowga awgaa bogsan waa ma seexdee baxsaneey wajaalaay

7: Indho bilic u rooneey beeciyo tijaarow baxsaneey wajaalaay

8:Birmadiyo barwaaqooy hoy barako taalaay baxsaneey wajaalaay

9: Waan kuu buseeloo kuu beer raqaayaa baxsaneey wajaalaay

10:Rabbi balo hakaa jiro baryo samo ku noolow baxsaneey wajaalaay

11: Budhcadiyo wax xumo wada baabi’iya dalagaa baladkaaga yuu iman baxsaneey wajaalaay.

12  allow balada kaa dhawr naftu haku bogsootee:   

Waxa curiyay; cabdiraxmaan

COMMENTS
LINKS