Waa Kuma Ciyaaryahan Liibaan Maxamed Nuux “Liibaan Toti”? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waa Kuma Ciyaaryahan Liibaan Maxamed Nuux “Liibaan Toti”?
May 12, 2020 - Written by Editor:

Liibaan Maxamed Nuux waxa Uu ku Dhashey Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan Ee dalka aynu Jaarka nahay ee Somaliya 12 April 1980, Waxbarashadiisii Malcaamad Quraanka iyo Waxbarashadiisii Dugsiga Hoose qayb ka mid ah Waxa uu ka Bilaabay Isla Magaalada Baladweyn halkaaso ay Ka soo guureen Sanadii 1992 ka dib Burburkii Somaliya Sanad dabadii oo ay u soo Diga-Rogteen Magaalada Gabiley oo uu ka sii Amba-qaadey Waxbarashadiisii Isla Dugsiga Hoose Qaybtii u Hadhsanayd iyo Dugsigiisii Dhexe oo uu ku Qaatey Dugsiga Sheekh Muxumed Warsame iyo Waxbarashadiisii Dugsiga Sare ee Qalax uu qayb ka mid ah ku qaatey halka qaybta kalana uu ku qaatey Dugsiga sare ee 26 June ee Magaalada Hargeysa ….

Hadaba Hadii aan uga Gudbo Taariikhdiisii Koboca Waxbarasho iyo Kacaanimo, aan u Gundo – Dego Taariikhdiisii Kubada Cagta ee ka soo Bilaabmeysey Gabiley…

Liibaan Waxa uu Ka soo Bilaabey bilowgii Ciyaarihiisa Marka laga yimaado Afar-Gooleydii iyo Ciyaar Xaafadeedkii ee u Wareegey Darajada Kooxaha … Kooxdii Duufaan Lagu Magacaabi jirey oo uu ka Mid ahaa Aas-Aaskii Kooxda bilowgii Sanadkii 1994 kii, Kooxdasi oo Xilliyada noqonayey darajada Sadexaad ee Sero C da oo ahayd Koox Adag oo Kooxaha la Darajada ahaa ay si weyn uga dhex muuqdeen, Kuwaaso si degdeg ah ugu Gudbay Derajada Sero B da mudo Laba Sano Gudahood.

Liibaan waxa uu Kooxda uu ka tirsana uga Safanayey Difaac, oo uu ku Muteystey In Uu Noqdo difaac Sita 5 oo uu ka gaadhey Heer Inta badan Goboladu ay Izha ku hayaan … Kooxdan Duufaan ee uu Ka Tirsana Oo Badhtamihii 1998 dii Iskugu Biyo Shubtey Koox la odhan jirey UFFO oo Caan ka ahayd Somaliland inteeda Badan oo Ciyaaryahanadi kooxda DUUFAAN u digo-rogteen UFFO… Xilliyadaso uu Liibaan U guurey Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaaliland oo uu ka Mid noqdey Kooxdii u Ciyaari Jirey Ciidamada Qaranka Somaliland oo uu ka mid noqdey dabayaaqadii Sanadkii 1999 kii Isaga(Liibaan) Oo Sidey Numberka Shanaad… waxaanu U saftey Kooxdani, oo Ciyaarihii Gobolada Somaliland Lagu Ibba-Furey oo Liibaan U saftey Kooxdii uu ka Tirsana ee Ciidamada Qaranka oo Iyaga iyo kooxdii Booliiska Somaliland ay Laba Koox ahaan uga Qayb-Galeen Tartankii Gobolada Somaliland oo Gabagabadiina Final iskugu soo Baxeen Kooxdii Liibaan U saftey ee Qaranka Iyo Gobolkii uu ka Yimid ee Gabiley… Tartankaasi oo aanan Xasuusan Ciyaar ka Xamaasad Kululeyd ilaa Hada Liibaan Waxa uu La Saftey Kooxdiisii, oo uu u Sitey Numberka 5, Isaga oo Xidhayay Dhaliyihii Ugu Wacnaa Somaliland iyo Xiddigii xilliyadaasi ee Maxamed Ibraahin Cabdi (Maano) oo Loodin kari waayay Liibaan Oo yidhi : “Aniga Ku Ag kacaamay Ciyaarta Maano oo xidhi karee U Banneeya”… Ciyaartaasi oo Lagu Kala Bixi waayay 120 kii Minute ee ay Socotey Ciyaartu Maca wakhti Dheerigii 1 iyo 1 Aakhirkiina lagu kala Baxay Rigoorayaal ay Gaba-Gabadi Guushu ku Raacdey Kooxdii Liibaan Dhexda ku xidhey ee ciidamada Qaranka …

Tartankaasi Waxyaabihii Ugu Xiisaha Badna ee aan ka Xasuusto waxaa Ka Mid ahayd Iyada oo Liibaan Ka Saftey Gobolkiisii una Saftey Kooxdii uu Mudada ku jirey iyo Aabihii Maxamed Nuux oo Ciyaarta Bilowgeedii ilaa dhamaadkeedi dhex Taagna Teerabuunka oo aan Hal mar ka fadhiisan Xiyaarta isaga oo taageere Mug Leh u ahaa Kooxdii Gobolka Gabiley , Isago Casho Sharaf ku Maamuusey Wakhtigaa Hoteladii ugu Qaalisana Magaalada Hargeysa …

Liibaan Sidii uu ugu sii dhex jirey Ciyaaraha waxa Uu Dalka ka dhoofey oo Noloshiisi ula Hayaamay dhinaca Iyo Qurbaha halkasi oo Uu degey Magalada Sockhome ee caasimada Dalka Sweden oo uu mudo Afar sano ah u sii Ciyaarayay Xulka Somaalida Sweden oo sanad kasta Tartano loo qaban jirey Xulalka Somalida ee Qurbaha isaga oo La qaadey Koobka Kooxdi Sweden U safanaysey uu u Sidey raqamka 5 macnaha Difaac u ahaa , Aniga oo ka xusi Kara Xulka uu ka tirsana Axmed Nuur Dhoodhe oo Isaguna Gabiley u ciyaarayey marki Liibaan Ciidanka Qaranka La qaadey Koobka sanadki 2000 ee Tartanki Gobolada Somaliland …

Liibaan Hada waa Aabo Dhalay Afar Wiil oo kula nool Dalka Sweden inkastoo ay ka Geeriyootey Hooyada dhashey Ubadkani Khadra Maxamud Rabi Naxariis Janno Ha Siiye , oo uu kula Aqal Galay Dalka Sweden bilowgii galista Dalkaasi 2006dii..

QALINKII CAYDARUUS ISMAACIIL QADIYE.

GABILEY SOMALILAND

 

COMMENTS
LINKS