========OORI KULULAATEY!!======= | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
========OORI KULULAATEY!!=======
May 13, 2020 - Written by Wariye:

Maantana miyaan idiin muquursiiyo mowjadaha badweynta suugaanta moolka hoose intaan u daadago miyaan idinku maaweeliyo gabayo aad Moogan tihiin.

AUN Faarax daad waxa laga hayo gabayadiisii waa kooban yihiin taasina waxaa sobab u ah ha I weydiin. Waayo jawaaba uma hayo.

Haddab waayaha aduunku galaba waa cayne Faarax Daad waxaa soo maray wakhti adag aad na u dhibaato badan Faarax wuu xanuunsadey aad buu u caatoobey xoolihiina waa ka madheen oo waa caydhoobey OORIDIISII waxay ahayd mid aad iyo aad u kuluul ubadkiisu wuxuu ahaa hal wiil iyo gabdho badan caydhnimo iyo xanuunkisa dartood tolkii iyo xididkiiba waa ku nacay hablihiisii wax la.aan darteed ayay xataa maryihii ka dhamaadeen.

Dhibaato aduun ayaa Faarax Daad mashaqeysey wiilkiisa kaliya lamuu joogin wuxuu ku maqnaa Nayroobi.

Markii waayaha aduun Faarax Daad ku adkaadey ayuu waxa uu ku tashadey wiilkaagii maad fariin u dirtid markaasi raadiyey cid Nayroobi tageysa saa wuxuu heley cid u socota markaasu sheekh carabiga yaqaaney utagey oo uu ku yidhi Aw Jaamacow waxaad ii qortaa warqad Aan wiilkeygii u diro.

Aw jaamac wuxuu ku yidhi hawraarsan iyo gudoon ee bal soo daa

Faarax Daad isagoo waayaha iyo wacdaraha aduunku sidey u soo godeen sheegaya wuxuu yidhi qor waxaan ku tidhaahdo.

“Aduun Gabban ah
Ubad wadda hablo ah
Oori kululaatey!

Qor.

Waa waxan sidaa Ula engagay
Urugaddoodiye

Qor.

Ilma adeeradaa geella
Way igu ag maallaane

Qor.

Ayaantiis kastaba bootadan
Ku ag wareegaaye

Qor.

Haddaan arradka gaalada
Fadhiyo kuma illaaweene
Haddaan aabahaa ahay
Maxaad ii anfici weydey

Qor.

Waar bal intaasi wiilkeygii iga gaadhsiiya
Markii wiilkii la gaadhsiiyey warqada uurku taalada waayaha aduun ee adag xambaarsan wiilkii waa ka urugoodey warwar iyo caloolyow baa galay ka dib wixii uu hayey iyo wixii uu soo heli karayeyba wuu soo direy haddana wuu soo direy haddana wuu soo direy.

Faarax Daad markaasuu barwaaqo meel walba dhigtey oo dadkii ka ordi jirey ku soo noqdeen oo Geellii. Adhigii. lo.dii iyo Fardihiba xero kasta ka buuxsadey markaasa Hablihii laga Guursadey.

Faarax wuxuu u yeedhey Waddaadkii maalintii warqada u qorey buu u yeedhey wuxuu ku yidhi qor waxaan ku idhaahdo.

“Xamdi mahad
Allaa igu xawiley
Wallad xalaaleed

Qor.

Xamdi mahad
Anoon xoogsan baan
Xayn ka buuxsadeye

Qor.

Xamdi mahad
Xigaalo iyo tol
Iyo xidid hadaan yeeshey

Qor

Dareen jiitayaasha maansada maalinba qormo Horleh oo macaansigeeda aad u sii shiiqsataan sidii cad dhadhan leh oo idinku tagey baan idiin soo xuli doonaa.

 

Waxaa Qorey. Eng Habane Abdi Habane

COMMENTS
LINKS