Ma Lala Wareegi Karaa Baabuurta Qaadka Sida Sharci Darada Ah Dalka Usoo Galiya? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma Lala Wareegi Karaa Baabuurta Qaadka Sida Sharci Darada Ah Dalka Usoo Galiya?
May 13, 2020 - Written by Editor:

Cudurka Dilaaga ah Ee KAROONA FAYRASKA waa mid caalamka Oo dhan sameeyay, dadban dilay, dadbadana laga yaabo in ay u Dhintaan. Haddaba, si looga badbaado waxaa la isku racay, in la kala fogado. Tasina waxay sababtay in albaabad loo xidho meherado badan, magaalooyin waawaynaa noqdeen kuwa cidlo ah.  Dawladkastana waxay la tacaalaysa siday dadkooda uga badbaadin lahayeen cudurkani.

Dalka Maraykanku waa dalka hormoodka u ahaa habkani dimuqradiyada ee aynu ku dhaqano, waxay dadkooda lagu qasbay in ayna ka soo bixin guryahooda. Ma jiro sharci qeexaya waxa xukuumadu yeelayso marka xaladani oo kale dhacdo. Lakiin, dawlada ayaa ka masuula nabada iyo cafimaadka guud ee dadka.

Sidoo kale, Somaliland waxay ka mid tahay dalalka calamka ee cudurkani sameeyay ee la tacaalaya sidii dadkeeda looga badbaadin lahaa. Sida ay Xukuumadu uga masuul tahay nabad galyada guud ee dalka ayay uga maasuul tahay caafimadka guud ee ummada. Haddaba, sida ayna xukuumada ugu baahnayn sharci qoran oo qeexaya in ay isguulada (kuwa dawlada iyo kuwa gaarka loo leeyahayba) xidho, Masajida xidho, dadka ku amarto in ay kala fogaadan, ayna ugu baahnayn sharci qoran oo qeexaya in ay la wareegto Baabuurta lagu qabto QAAD KOOTARA-BAANKA dalka lagu soo galiyo.

Maxaa QAADKA loo joojiyay?

Dalka Itoobiya waxaa laga helay dad badan oo cudurka KAROONA FAYRASKA qaba, tasina waxay keentay in QAADKA dalka inooga imanayay si ku meel gadha loo joojiyo. Waxaa QAADKA loo joojiyay si aanu cudurka KAROONA FAYRASKA dalka u soo galin, caafimadka ummada Somaliland khatar u galin.  Haddaba, Xukuumada waxay amartay in aanu QAADKA dalka la soo galin, cidii soo galisa waa qof u badheedhay inuu SUN dalka soo galiyo, oo cafimaadka ummada Somaliland qatar galiyo.

Wakhtigani, qofka dalka QAAD soo galiya wuxuu la mid yahay qof isqarxinaya oo ummada xasuuqa. Haddii si kale u dhigo, waa cadawga ummada Somaliland.

Hadaba, sida cadawga Somaliland loola dhaqmo waa in iyagana loola dhaqmo. Waa in dadka QAADKA keena la xidho, baabuurtoodana lala wareego. Sida loola wareego baabuurta cadawga dadka doonaya inay xasuuqan, ama baaburta cadawga ee front-ka dagaalka lagu qabto. QORKA SHARCI DOONAYAA, SHARCIGA LAGULA WAREEGAY KUWAA, AYAY KUWANI LAGULA WAREEGAY.

Dalkani Maraykanka een joogo haddii la qabto baabuur sida Maandooriye (DRUGS). Qofka waa la xidhaa, baabuurkiisana waa lala wareega. Maraykanku waa dalka aasaasay habkani dawladnimo aynu qaadanay. Marka xigana, 229 sano ayay ku soo dhaqmayeen habkani dawladnimo. Macdala waa inaga oo fadhi barada. Haddii, aynu sharcigu qeexo xaalad kasta waxay la mid tahay DAWLAD LA’AAN. Dal sharciga qoran oo qeexan markast ku dhaqma calamka ma jiro.

Xaaladani oo kale waa ku meel gadha,  awood gaara ooy xukuumada ku ilaalinayso danta ummada ayay leedahay. Haddaba, haddii dooda Qareenada la raco, waa in talaabo la qaadin, haddii aan sharci loo haynin. Haddii baabuurta lala wareegin, oo la sii dayo, tasi miyaanay ahayn in baabuurtani QAAD kale dalka loogu soo galiyo, oo caafimadka iyo nafaha dadka qatar la galiyo. Maanta qofkasta oo doonaya QAAD inuu dalka soo galiyo wuxuu ogyahay inuu Baabuurka laga wareegayo, isagana la xidhayo.

TAASINA ANIGU WAAN KU HANBALYAYNAYA XUKUMADA, KUMA HAYSTO MAXAAD DAMBIILAYAAL DANBI GALAY MAXAAD BAABUURTOODA UGA QAADEEN.

SOMALILAND HA NOOLATO!!!

QALINKII; OMAR YOUSUF

OAKLAND, CALIFORNIA

Omaryousuf455@gmail.com

COMMENTS
LINKS