Siyaasada Somalida Iyo Saameynta Qabiilka!W/Q;Maxamed Dhimbiil. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasada Somalida Iyo Saameynta Qabiilka!W/Q;Maxamed Dhimbiil.
May 13, 2020 - Written by Editor:

Siyaasada somalida salkeedu waa qabiilka oo wax lagu doortaa, la isku ixtiramaa, lagu xisaabtamaa, wax lagu qaybsadaa, marka aynu ka hadlayno xaqiiqda siyaasasada somalida dhamaanteed, Somaliland, Djibouti, Somalia , Somalida Ethiopia, iyo Somalida Kenya oo aanan aqoon badan u lahayn siyaasadeeda laakiin aan filayo in la mid tahay somali inteeda kale.

Marka ay sidaasi tahay ee dawladnimada aynu qaabkan u dhisnay ayaa haddana waxa aynu u xisaabtamaynaa sidii dawladaha dunida oo kale oo aynu leenahay dawladu miyey sidan yeesho waxan qabato halkan hagaajiso, hada Waa dawladnimo seeska laga soo kiciyey yahay mid sirkacan oo dhibtuba isaga tahay.

Waxa aad u fiirsataa nin kasta oo hogaamin rabaa ilaa uu reerkooga cuqdad ku abuuro oo uu waa la ina haystaa waxba la inooma ogola, shaqaale ma lihin, dhaqaale dawlada inagama soo galo iwm uu ku akhriyo oo ah halka ay dadku u nugul yihiin mooyaane si kale taageere kuma raadiyo, kaaga daran e waxa isku jihaysma ama la is raaciyaa qofka hogaanka ah iyo beeshiisa oo tooshka umada loogu qabtaa .

Dabadeedna marka ay beeshaasi kale qof ka soo jeedaa kursiga fuulo ayey sidii wax ay qaniimad heleen laba gacmoodiyaan, hadii markii ay mucaaridka ahaayeen la cadaadiyey amaba ay u arkeen in la dulmay iyaguna intii laban laabkeed ayey isku dayaan in ay yeelaan, waa hab dhaqano ku soo hoos naban nidaamka somalidu isku maamusho.

Dawladnimadu waa wax la isku dardarsaday oo cidwalba leh oo la aaminay in ay dadku ku kala badbaadayaan, hadii loo arko in cidi ku shaqeysanayso ama sifaha ay ku timid noocan aynu ka soo sheekaynay yahay xaq bay u leedahay cidwaliba in ay xisaabtanto oo tidhaahdo maxaa kaa soo gala, ceebna maaha hadii aynaan hab dhaqanka noocaasi ah ka guureyn.

Hal mid ayuun baan aaminsanahay in mustaqbalka dambe dawladnimo midho dhasha oo milgo leh aynu ku heli karno oo ah wacyiga dadka oo kor loo qaado oo uu qofku dareemo in uu dalka isagu leeyahay, awoodiisa shacab na uu aamino oo ah quwada ugu weyn ee dawladnimo qiimo badan dhalin kartaa in ay tahay mid ku xidhan adiga iyo aniga oo isku dan ah oo is kaashada.

Waxa wewer iga hayaa inaga oo nidaamyadan inoo dhisan la yaaban oo ay ka talaabsan kari laayihiin seeskii ay qaloociyeen markii ay meesha imanayeen oo talaabo kasta oo uu qaad is yidhaahdaa uu ka hor imanayo ficilkii foosha xumaa ee uu meesha ku yimid, ayaa kuwa dibada jooga ee raba in ay badelaan ay soo hayaan wadadii qodxaha badnayd ee kani soo maray, taasi oo inaga dhigaysa dad dhaaminaya foosto gunta ka daloosha

Waan dareensanahay nidaam in badan hab iyo qaab ku soo shaqeynayey in aan mar qudha wax wada hagaagi karin laakiin waxa aynu u baahanahay in aynu ka fekerno 30 sano ka dib dawlada ubadkeena u dhisnaan doontaa mid noocee ah ayey noqon doontaa, oo waxa aynu uga tagayno maanta sii xanaf iyo xumoba tirno, taasi oo inagana inoo noqon doonta wanaag la inagu xasuusto iyagana u noqon doonta hadyad qiimo leh oo noloshooda anfacda.

Maanta ayeynu u baahanahay in aynu beerno geedka aynu rabno in inaga iyo inta inaga dambaysaaba midho iyo manfacoba ka helaan, mana adka ee akhriste waa mid adiga kugu xidhan oo umada oo dhan ku xidhan laakiin u baahan uun in kooban oo dadka ku baraarujisa una horkacda xaga wanaaga oo iyaguna is aamina in ay yihiin dad isbadel dhalin kara, hal abuur iyo curin cusub keeni kara una adkaysta caqabadaha ka hor imanaya ee nidaamka ay badelayaan isku difaacayo.

QALINKII; Muxamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS