Bulshada Somaliland Oo Ka Dhur-Sugaysa Gudida Heer Qaran Ee Ka Hortaga Xanuunka Covid19 Inay Samayso Gurmadkii Looga Baahnaa Wakhtigan! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Bulshada Somaliland Oo Ka Dhur-Sugaysa Gudida Heer Qaran Ee Ka Hortaga Xanuunka Covid19 Inay Samayso Gurmadkii Looga Baahnaa Wakhtigan!
May 17, 2020 - Written by Editor:

Gudida Heer Qaran Ee Ka Hortaga Xanuunka fayriska koronaha Madaxwaynaha Somaliland umagacaabay ayaa mudadii ay Shaqada bilaabeen Waxay qaadeen talaaboyin iyo dadaalo ku jahaysan sidii dadka looga wacyigalin lahaa xanuunka dilaaga ah ee korana fayrayska, gudida ayaa soo saartay go,aano iyo waciyigalin badan oo la xidhiidha xanuunkaCovid19 .

Balse gudida ayaa inta badan ka hadasha halista Caafimadka daro ee uu cudurku leeyahay.

Waxa kale oo gudidu gaar ahaana wasaarada Caafimadka somaliland bulshada la socodsiisaa shaacinta tirada dadka uu ku dhacay fayriska karoona (daily report) iyo waliba sidii looga feejignaan lahaa ee Aanu bulshada ugu faafin xanuunkaas balse Waxay bulshada kala duwani u dhag taagaysaa sidii ay gudida wacyigalintu dadka ugu soo bandhigi lahayd deeqahii kala duwanaa ee soo gaadhay gudida oo meelo kala duwan ka yimi sida wadan Qadar iyo Imaaradka.

Waxa kale oo xusid mudan in xukuumada ay bixisay lacag dhan 3 million oo dolor taasi oo lagu shubtay accountka gudida loogu talo Galay.

Waxa kale oo door laxaadleh ka qaatay arinta lagula tacalayo cudurka covid19 qaar ka mid ah ganacsata waawayn ee Somaliland oo iyaguna xukuumada ku wareejiyey qaadhaan lacageed iyo Agab Caafimadka si loogula tacaalo bukaanada uu saameeyey xanuunka karona fayriska.

Hadaba Shaqada Dhinaca gudida wacyigalinta Ayaan ilaa hada kama muuqato maamul daadajin ay sameeyeen guud ahaan Gobolada iyo dagmooyinka Somaliland si la isula jaanqaado oo si wadajir ah looga hortago

Waxa kale oo bulshadu si dhaw Uga war sugaysaa gudida koronaha inay soo bandhigaan Xisaab xidhka dhaqaalihii soo Galay Intii loo magacaabay hawshan iyo sida ay bulshada wax ugu xaqsooraan si Shaqada ay umada u hayaan u hufnaato.

Waxyaabaha u qabsoomay iyo Waxa aan u suurto galin iyo waxa waxyabaha Uga meel yaal Arimaha lagaga hor tagayo cudurka Aduunka aafeeyey ee korona fayriska. Ilaahay ha inaga badbadiyee.

Qalinkii; Suxufi Maxamud Xuseen Jamac (Jawhar).

Hargaysa Somaliland.

COMMENTS
LINKS