Jidka Ugu Dhow Ee Somaliland Lagu Aqoonsanayo Iyo Sharciyada Somalia Oo Muran Ku Jirta. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jidka Ugu Dhow Ee Somaliland Lagu Aqoonsanayo Iyo Sharciyada Somalia Oo Muran Ku Jirta.
May 18, 2020 - Written by Editor:

Dhul kasta Oo Uu Qabsaday Gumaystihii Reer Yurub waxa loo aqoonsaday inuu yahay dal Afrika ku yaal oo uu maamulayo quwadaha reer yurub, markii ay timid dhaqaaqii xornimo doonku waxa dalalkii reer Yurub dhulkii ay xukumayeen marka ay baneeyaan loo aqoonsaday dal madax banaan oo laga diiwaangaliyo qaramada midoobay, taasina waxay keentay in kolba dalkii xoriyadooda la siiyo loo aqoonsado dal madax banaan oo arrimihiisa u madax banaan, isla markaana ka diwaangashan UN-ta.

Sidoo kale, waxa UN-ta yaalla heshiishkii reer Yurub gaadheen in xuduudaha dalalka Afrika noqdaan xuduudihii gumaystuhu ka tagay si aanay khilaaf hor leh iyo dagaalo uga bilaabmin Afrika kaasi oo la ogaa hadii aan sidaas la yeelin in dagaalo muddo dheer socdaa ka bilaabmayso xuduudaha maadama oo dad isku af ah isku midab ahi loo qaybiyey dalal kala duwan, tusaale ahaan Sawaaxiliga waxaa ku hadlay dad badan balse kala xuduudaha ah,  Af xabashigana (Itoobiya iyo Eritrea) waxa ku hadla dad kala dal ah, halka Soomaaligu ay ku hadlaan dad kala dalal ah oo loo qaybiyey afar qaybood, balse xuduudii gumaystuhu kala xidhay oo qolo walba cid raacisay.

1960/6/26 waxa dal loo aqoonsaday dhulkii gumaystaha Ingiriisku maamuli jirey oo la odhan jirey British Somaliland , balse markii dambe u bedelay jamhuuriyada Soomaalida, waxaanu noqdeen dalkii iyo dadkii ugu horeeyey ee soomaaliyeed ee xor noqda, waxaana laga diwaangaliyey qaramada midoobay.

Afar cisho ka dib markii dhulkii talyaanigu gumaysan jirey xoriyada heleen, waxay ku soo biireen walaaladoodii hortood dalka loo aqoonsaday, sidaas darteed mar hadii ay isku magac wada noqdeen iyaga looma diiwangalin dal madax banaan ee waxa loo arkay uun dal ku biirey dalkii kahoreeyey ee isku magaca ahaayeen sida ay iga warameen looyaro baadhitaan sameeyey.

Somalia ma lahaa sharciyad ay maxkamada aduunka kaga doodi karto inay tahay dal jira waayo waxa loo yaqaan uun in dalkii 26 june 1960 la aqoonsaday inay ku soo biirtay oo Hargeysa maamukeedii ku fiday Muqdisho, halkii taas lagu doodana waxay jaanis u tahay Somaliland.

Dooddu waxay tahay:

Haddii magacii la inoo diwaangaliyey ku doodno Somalia ma haysato sharciyad ay ku doodo, waaayo magacii jamhuuriyada Somali waxay 1969 kii u bedeleen magacii talyaanigu u yaqaanay ee Somalia, sidaas darteed magacaasi Somalia uma diiwangashanna UN-ta, inaguna waxaynu ku noqonay magacii Ingiriisku inoo yaqaanay ee Somaliland.

Waana sababta loo yidhaahdo 26 june baynu xorownay, kowda julyna waa la midoobay, dal jira ayaa lagu soo biirey, cida ku soo biirtay waa soomaaliya, waxayna ahayd inaynu bari hore ku doodno yaa dal loo aqoonsaday yaa lagu soo biirey sida ay labadaasi maalmood kala tilmaamayaan,sidaas darteed doodaynu waa markii Hargeysa xoriyada heshay waxa maamulkii lagu fidiyey Muqdisho, sida maalin walba Somaliland maamulkeeda ugu fidiso bariga.

Hadii looyaro khuburo ah la helo waxa hubaal ah inay Somaliland garta helayso, iyadana sharciyada ku fadhida, maanta waa kii madaxweynuhu cadeeyey in maxkamadda aduunka la isla gali doonno haddii ay qiri waydo in Somaliland dal jira ahayd oo ku fadhida xuduudihii gumaystuhu sameeyey.

Hadii si fiican looga hawlgalo aqoonsigeeda mar labaad banaanku yaalla, laakiin waxay ku xidhan tahay uun hogaanka dalka maamulayaa sida uu wax u fahansan yahay iyo inuu dhinac walba cida aqoonta leh kala tashado.

WQ: Barkhad-Ladiif M. Cumar

COMMENTS
LINKS