Prof Axmed I. Samater Oo Soo Dhaweeyay Baaqii Ay Dhallinyarada Somaliland Qaar Kamid Ahi Soo Saareen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Prof Axmed I. Samater Oo Soo Dhaweeyay Baaqii Ay Dhallinyarada Somaliland Qaar Kamid Ahi Soo Saareen
May 20, 2020 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa ku baaqay in la dhagaysto baaq ay dhallinyaro boqol ka badani toddobaadkan soo saareen.

Prof. Samatar ayaa farriin email ah oo uu u diray dad tiro badan oo uu sidoo kale raaciyay muuqaalka dhallinyaradaas baaqa dirtay, oo uu ku qoray luuqadda Ingiriisida, ayaa wuxuu ku yidhi “Maalinta xus u gaarka ahi waxa ay ka mid tahay xilliyada ugu haboon ee la sameeyo dabaal-deg iyo is-naqdin caqli ku dhisan oo lagu qiimeeyo wixii tegay, joogtada iyo mustaqbalka. Waxa ay tani muhiim u sii tahay bulshada si dhab ah uga walaacsan xaaladda baraaruga shacab iyo sida ay u hawlgalaan hay’adaha dhexe.

Kuwani waa qaar ka mid ah codadka yididiilada leh ee dhalinyarada Somaliland. Waxaan u arkaa inay qiimo badan leedahay in la dhegaysto oo si maangal ah looga fekero walaaca ay qabaan.”

 

COMMENTS
LINKS