“Qolyaha Dawladda Somalia Ee Nabar Iyo Naxdin Waxa Aan Leeyahay Beenta Aad Shacabka Ku Shubaysaan Iska Daaya”Amb Baashe Cawil. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Qolyaha Dawladda Somalia Ee Nabar Iyo Naxdin Waxa Aan Leeyahay Beenta Aad Shacabka Ku Shubaysaan Iska Daaya”Amb Baashe Cawil.
May 20, 2020 - Written by Editor:

Ambasador Baashe Cawil Oo Beeniyay Warar Been Abuur ah Oo Laga Faafiyay.

Dubai(W,N)Wakiilka Somaliland Ee Dalka Kenya Baashe Cawil Cumar ayaa  Beeniyay warar ay ka baahiyeen warbaahinta maamulka muqdisho oo sheegay In Xabsiga Loo Taxaabay’  isagoo sheegay in aanay waxba ka jirin islamarkaana ay been abuur cad iyo habaar tahay.

Ambasador baashe cawil ayaa sidaa ku beeniyay Qoraal Kooban Oo Uu  ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada wuxuna udhignaa Sidan;

Reer Somalia Ma Habaar Bay Dan Moodeen.

Way iska dhacdaa in marka albaabka siyaasadu soo xidhmo, oo beentii aan lugaha ku taagnay isa soo oodo, in dadka la isku dayo in la jaah-wareeriyo, oo waxaan jirin iyo riwaayad lagu mashquuliyo.

Dadka Somalia anigu ma aflagaadeenayo, oo sharaf bay naga muddan yihiin, laakiin qolyaha Dawladda Somalia ee Nabar iyo Naxdin waxa aan leeyahay beenta aad shacabka ku shubaysaan iska daaya,

Aniga layma xidhin, waxaan muddo labo bilood ahna aan joogay Dalka Imaaraadka Carabta, oo ay iigu dhacay xayiraadii COVID 19 si lama filaan ah.

Waxaan ahay Wakiil matala Sharafta iyo Karaamada Shacab iyo dawladd ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dawlada Kenya iyo Somaliland na waxa ay leeyihiin cilaaqaad soo jireena, oo oo ilaa 18th century gii soo jiray, maantana maraya heerkiisii ugu sareeyay.

 

ALLAA MAHAD LEH.

 

COMMENTS
LINKS