Somaliland Xataa Kuwa U Baahan In Muddo Kooban Lagula Tacaalo Cisbatalada, Ayay Suurogal Tahay In Aanay Helin Adeegii Ay U Baahnaayeen”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland Xataa Kuwa U Baahan In Muddo Kooban Lagula Tacaalo Cisbatalada, Ayay Suurogal Tahay In Aanay Helin Adeegii Ay U Baahnaayeen”Cali Guray.
May 20, 2020 - Written by Editor:

COVID-19 Dunida marka laga jaro inta u dhimatay iyo inta ka bogsatay hadda dadka uu hayo tiradoodu waxay dhan tahay (ACTIVE CASES) 2,699,491

98% ka mid ah xaaladoodu way sahlan tahay. 2% ayaa ku jira xaalad halis ah.

Hadaba dadka uu haleelo COVID-19

Kuwo uu safmar ku noqdo oo guryahiina ku ekaada hadii wax dhibaato ah dareentaana la soo xidhiidha adeega cadimaadka waa idiin diyaar eh dhakhtaradoodu kula taliyaan, Iyo kuwo muddo lagula tacaalo cisbatalada oo lagaga war hayo xaaladooda waa 98% inta badanna waa dadka ka bogsada.

Hadaba kuwa 2% ah ee xaaladahoodu ay halista noqdaan oo u badan dadka waayeelka ah iyo kuwa qaba xanuunada xaga neefsiga ah waa inta u baahata adeega gargaarka degdegga ah (ICU). Intooda badani laakiin kama kacaan ee way dhintaan.

Somaliland oo kale oo marka horeba adeegooda caafimaadku Uu liito haddii aan la xoojin oo aan si gaar ah loogu Diyaargaroobin xataa kuwa u baahan in muddo kooban lagula tacaalo cisbatalada ayay suurogal tahay in aanay helin adeegii ay u baahnaayeen. Taas ayaa u baahan in Somaliland ay wax badan ka bedesho qaabka adeegeeda caafimaadka

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF “CALI GURAY”

 

COMMENTS
LINKS