WARGALIN;Ku Saabsan Aaska Marxuum Xaaji Ibraahim Barre Nuur Oo Hargaysa Ku Geeriyooday. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
WARGALIN;Ku Saabsan Aaska Marxuum Xaaji Ibraahim Barre Nuur Oo Hargaysa Ku Geeriyooday.
May 21, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Waxa Magaaladda Hargaysa Maanta ku Geeriyooday Alle ha Unaxariistee Marxuum Xaji Ibraahim Barre Nuur oo kamid ah Odayaasha Haldoorka Somaliland.

Hadaba  Axmed Cilmi Bare (Axmed Cilmi Yare) oo kamid ah ehelada Marxuumka ayaa waxa uu shacabka Somaliland iyo cidkasta oo ka qaybgalaysa aaska Marxuumka  ku War galinayaa in maalinta bari ah lagu aasi doono xabaalaha haleeya iyadoo laga qaadayo  gurigiisa saalada duhurna lagaga tukan doono masaajidka tabliiqa.

“Alle hawnaxariiste Maydka Xaji Ibraahim Barre Nuur waxaa laga qaadi doona Gurigiisa oo ku yaala Kaalinta Gaafane ee agagaarka Buurta Kala Jeexan 11-Subaxnimo. Waxaana lagaga tukanayaa Masaajidka Tabliiqiga Salaada Duhur. Sidaa hawlo socaan cid kasta oo ka soo qayb galaysa. Aaska Marxuumka

Dhanka waxaanu tacsi tiiraanyo leh udirayaa shacabka Somaliland qoys iyo qaraabadii uu ka baxay marxuum samir iyo iimaan ilaahay haka siiyo Aaamin Aamin.

Waxaanu sigaara tacsidan ugu diraynaa Axmed Cilmi  bare (Axmed Cilmi Yare ) oo uu marxuumku Adeerkii ahaa

 

 

COMMENTS
LINKS