Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Ibraahim Xaaji Barre Nuur Oo Ku Geeriyooday Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Ibraahim Xaaji Barre Nuur Oo Ku Geeriyooday Hargaysa.
May 21, 2020 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE: 21/05/2020

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ibraahim Xaaji Barre Nuur oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 21/05/2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay qaranka iyo shacbiga Somaliland, kana mid ahaa mujaahidiintii halgankii dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalena waxa uu ka mid ahaa odayaashii seeska u dhigay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

COMMENTS
LINKS