DAAWO;-Sheekh Bulshada Ufaah Faahiyay Qaabka Ugu Haboon Ee Ay Salaada Ciida Ugu Tukan Karaan Guryahooga. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Sheekh Bulshada Ufaah Faahiyay Qaabka Ugu Haboon Ee Ay Salaada Ciida Ugu Tukan Karaan Guryahooga.
May 21, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Sida la ogyahay, waxa dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo caalamkaba saamayn xooggan ku yeeshay xannuunkan la yidhaahdo Covid-19, waxaannu xannuunkaasi sababay inuu caqabad ku noqday qaabka ay dadka muslimiinta ah u cibaadaysan jireen iyo goobaha lagu tukan jiray, iyadoo la ogaaday in xannuunku ku fido isku-imaanshaha dadka badan ee sida aadka ah isugu soo dhawaada, waxayna taasi keentay dalalka islaamka ah ay joojiyeen in dadku ay masaajidada ugu cibaadaystaan sidii hore ee caadiga ahayd, waxa kaloo la joojiyey in salaadda ciidda lagu tukado goobaha dadka badan isugu iman jiray ka hor intii aannu soo bixin xannuunkani, waxaanna dadweynaha la faray in qof walba gurigiisa ku dhex tukado salaadda ciidda.

Haddaba, waxa muhiim ah in dadweynuhu ay wax badan ka ogaadaan qaabka ay saaladda ciidal-fidriga ugu dhex tukan karaan guryahooda iyo shuruudaha ay salaaddaasi leedahay ee laga doonayo in qof walba buuxiyo, waxaanan halkan hoose idiinku soo gudbiyey muqaallo iftiimin ka bixinaya qaabka salaadda ciidda loogu tukanayo guryaha dhexdooda, iyadoo ay waajib innagu wada tahay in ka hor maalinta ciidda aynu culimada weydiino waxayabaha madmadawgu innagaga jiro ee khuseeya qaabka ugu habboon ee aynu salaadda u tukan karno. Waa in la ogaado in axkaamta sakaatul-fidriga iyo qaabka loo bixinayo ay sidoodii yihiin, dadka qaarna yaanay is odhan; haddii la joojiyey in salaadda ciidda lagu tukado masaajidada iyo goobaha bannaanka ah, tollow sakaatul-fidrigiina maa la joojiyey? Wixii sakaatul-fidri ah ee qof walba ku waajibay waxa la bixinayaa ka hor inta aan salaadda la tukan, Ilaahayna sida khayrka leh ha ina waafajiyo, xannuunkana saamaynta yeeshayna ha innaga dul-qaado, waana in dadkeennu is caawiyo, la is wada saamaxo, xummaanta la iska reebo, wanaaggana la is faro.

Sheekh Xamse Xabiib oo kamid culimada magaalada ayaa bulshada ufaah faahiyay qaabka ugu haboon ee ay salaada ciidul fidrida ugu tukan karaan guryahooga

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA SHEEKHA OO KA HADLAY QAABKA GURIGAAGA AAD UGU TUKAN KARTO SALAADA CIIDA;

COMMENTS
LINKS