Baaqa Dhalinyarta Iyo Fahanka Dawlad nimada! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Baaqa Dhalinyarta Iyo Fahanka Dawlad nimada!
May 22, 2020 - Written by Editor:

Baaqyada dhalinyarta JSL ka soo baxayaa waa caqabado iyo dhibaatooyin jira laakiin u baahan fahanka dawladnimo.

Saxeexayaashii warqada baaqu qoralkoodu waa uu saxnaa laakiin waxaan is waydiinayaa aaway dadkii xaqa ulahaa in ay cabashooyinkaa ka hadlaan?

1;Qofkasta oo warqadaa saxeexay ama cabanayaa waxa uu soo doortay xildhibaan fadhiya golaha Wakiilada JSL oo u matalaya shacabkooda, maxaa sababay in dhibta dhalinyartu sheegtay in ay ka hadlaan?

2;Axsaabtu waa halka loogu talo galay toosinta iyo dabagalka xukuumada waxii ka qaldama maadaama oo ay beri doonayaan in ay dalka xukumaan. Hadaba aaway xisbiyadii waxa qaloocan toosin lahaa?

Sida aynu la wada socono,   Hab-maamulka dawladeed ee JSL waxaa bud-dhig  u ah RABITAAN SHACABKIISA oo si dimuqraadiyad ah u soo doorta.

Siyaasigu waxa uu la joogaa waa shacabka, hadii shacabkii laga horkeeno ama saluug saami qaybsi iyo aas-aas ka maamul wanaaga dawlada  ( basic principles of good governance ) sida hufnaanta dawlada, sharciga oo sareeya isla xisaabtan, sinaanta muwaadiniinta ( transparency,  Rule of Law, accountability and equality of the citizens) hadii intaa la waayo waa hubaal waxaa imanaysa cabasho shacab.

Maxaa keenay kacdoonka shacabka ee dalalkii waa waynaa ee GACANKA CARBEED waxaa marag ma doona hadii sadex shay la waayo in kacdoon iyo dhibi iman karto.

1;Hogaamiye han iyo himilo xambaarsan ( leadership with strong vision ) hogaamintu waxay u qaybsantaa guud ahaan laba qaybood oo waawayn

  • Hogaamiye la dareena dadkisa ( democratic leadership ) waxaa aas-aas u ah wada tashi iyo in uu xaalad kasta la dareen noqdo dadkisa
  • Hogaamiye kali taliye ah ( Autocratic leadership ) hogaamintani waa car juuqdhe, caga juglayn iyo cadaadis joogta ah.

2;Wax wada lahaansho u dhexeeya umada  ( Resource sharing ) dawladnimadu maaha wax qof, qolo ama shaqsiyaad ay dheefteeda iyo dhibteeda labadaba helaan laakiin waa tusaale ahaan saxan raashin ku jiro oo dhamaan dadku wada wadaagayaan.

  1. Isla xisaabtan dawladeed ( accountability ) qofka aad u dhiibto tukaan aad leeday waxaad ka xisaabisaa macaashka iyo qasaaraha sidaa si la mida waxaa muhiima in dawlada ay si joogta ah ula xisaabtamaan golaha shacabku maadaama oo ay matalaan dadka, muwadinkuna waxa uu xaq uleeyahay in uu ogaado halka cashuurtiisi martay

Hadaba hadii aynu intaa habmaamulka dawlada ku dhaafno Somaliland aragtidayda waxaa ku hirdamaaya laba qaybood oo kala ah sidan:

 

  1. Waa qayb u haysata lahaanshaha dawlada dheefteeda iyo dhibteeduba in ay ayaga ku dhacayso taasina waxay meesha ka saartay wax wada lahaanshihii.

Hadaad aaminto wax inaga dhexeeya in aad igaleeday waxa hubaal ah in aan is waydiinayo waxii inaga dhexeeyay maxuu ahaa

Odhaahda qoladani waa waxii dhaqaaqaba xamar ayaa laynugu wadaa.

  1. Waxa kaloo jira qayb ay iskaga qasantay mucaaridnimada iyo qaranimada JSL hadii aad waydo xaqaaga iyo xuquud aad leeday macnaheedu maaha in Somaliland la waayo; Odhaahda qoladani waa dal la qaybsaday oo aan muwaadinka labaad ka ahay ayaan ku nooolay.

Talo soojeedin ku socoto qaybaha ku hirdamaya hogaaminta dalka iyo dadka

  1. Somaliland uma baahna manta in layswaydiiyo qaranimadeeda ee waxay u baahantay in la xaliyo saluuga iyo saamiqaybsiga jira.
  2. Somaliland waxay u baahantay hogaan han iyo himilo xanbaarsan ee uma baahna shaqsi loogu cumaamado ama lagu taageero sifo qabiil.
  3. Golayaasha qaranku ha qaatan doorkoodii la xisaabtanka dawlada

4- Dhalinyarada baaqa diraysana ha kasoo dhex muuqdaan Axsaabta siyaasiga ah oo wixii toosina halkaa ha kusoo ban dhigaan.

W/Q : Khalid Cali Axmed

Master of Public Administration and Management

Birmigham, UK

 

COMMENTS
LINKS