Qoraa Boobe Oo Ka Waramay Taariikh Nololeedkii Marxuum Mujaahid Muuse Giirre Jaamac Oo ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qoraa Boobe Oo Ka Waramay Taariikh Nololeedkii Marxuum Mujaahid Muuse Giirre Jaamac Oo ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa.
May 22, 2020 - Written by Editor:

Mujaahid Muuse Giirre Jaamac: Ruug-caddaa halgameed.

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale,

22/5/2020ka, Hargeysa,

cankaabo@hotmail.com, cankaabo@gmail.com, www.dharaaro.net.

Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, waxa galabta oo Jimce ahayd bishuna ku beegnayd 22ka Meey, 2020ka ku geeriyooday Ruug-caddaa halgameed oo ka mid ahaa raggii maal iyo nafba soo huray ee ku shuf beelay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee ay SNM horseedka ahayd. Ku-sinnaan 1950kii ayuu ku dhashay Degmadan Hargeysa. Wuu ku barbaaray tacliintiisiina ku qaatay. Hooyadii waa Muumina Aadan Yoonis. Wuxu ifka kaga tegay shan hablood iyo laba wiil oo laba bahood ah.

Markii uu barbaarayba Ciidankii Bilayska ayuu ka mid noqday gaar ahaan Baanboygii. Intaa ka dib wuxu u digo-rogtay ganacsiga. Isaga oo hawshaa iskaga jira oo iska ladan ayaa la bilaabay abaabulkii iyo alooskii SNM. Markiiba wuxu ka mid noqday foolaadkii dhufaysyada hore isku shubay ee ka mid noqday unugyadii dahsoonaa ee Hargeysa iskaga dab qaadi jiray.

Marba hormada soo shaac-baxda ama ka muuqata liisaskii madoobaa ee dooxata ayaa baxaysay, Mujaahid Muuse Giirre Jaamac wuxu u dhaqaaqay xaggaa iyo Sucuudiga oo uu markiiba uga soo gudbay jiidihii hore ee SNM. 1983kii ayuu toos ugu soo biiray Ciidammadii Jiidaha hore ku sugnaa. Baabuur Toyota ah oo dul furan ayuu noo la yimid. Ma kireyn jirin kumana shaqaysan jirin ee halganka ayuu ugu adeegi jiray.

Waxaan jeclahay in uu ka mid noqday Golaha Dhexe ee SNM Shirweynihii 4aad oo ku qabsoomay Jigjiga 3/8/1984kii ilaa 9/8/1984kii. Mar kale ayuu Shirweynihii 5aad oo ku qabsoomay magaalada Harar (Adari) ayuu mar kale ka mid noqday Golihii Dhexe ee SNM kaas oo socday intii u dhexeysay 31/3/1990kii ilaa 28/4/1990kii. Golaha Dhexe oo keliya kama mid noqon ee Guddida Joogtadana xubin firfircoon ayuu ka ahaa.

Waxa kale oo uu inta badan soo geli jiray Guddiyadii ku-meel-gaadhka ahaa ee u badnaa kuwa dibuheshiisiinta. Waxa ka mid ahayd Guddidii loo saaray isu soo dhaweynta Xubnaha Golaha Dhexe bishii Maarj 1987kii oo aanu isku qabsannay dhismihii Guddida Fulinta. Waxa kale oo uu xubin firfircoon ka ahaa Guddidii Golaha Dhexe ee dagaal-gelintii guda-galkii 1988kii.

Keli kuma ahayn halgankii hubeysnaa ee walaalkii Cabdi Giirre iyo qaar kale oo qoyska ka tirsaniba waa ay kula jireen. Shakhsiyad caadiya oo dad-la-la-socod iyo la-joogba lahayd. Bulshaawi kaftan badnaa marka uu arrin ama wax qoonsadana is-mari oo cadho jiq noqon jiray hadalkuna aanu ka soo bixi jirin. Mararka uu fadhiyo lug ayuu yar fidin jiray. Naafo uma dhalan ee in ay halkaa cidhibta wax kaga dhaceen ayaad moodi jirtay. Gaadhiga kuma shaqaysan jirin ee halganka ayuu ugu adeegi jiray.

Mujaahid Muuse Giirre Jaamac sagaal sannadood oo xidhiidh ah ayuu ka tirsanaa Golaha Dhexe ee SNM. Ka-tirsanaantii Golaha Dhexe ee ugu muddada dheereydna isagaa billaddeeda sita. Ilaahay ha ka abaal-mariyo daalkaa dheeraa. Ilaahay ha u naxariisto innagana Samir iyo iimaan ha inaga siiyo. Mujaahidku wuxu u geeriyooday faalig muddo badan uu u jiifay.

COMMENTS
LINKS