“Dhiilada Ilma Mohamed Daahir Cusbitaalka Guud Ee Hargaysa Kala Kulmeen Waa, “Hurdaayow Toos”!Xil Cartan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Dhiilada Ilma Mohamed Daahir Cusbitaalka Guud Ee Hargaysa Kala Kulmeen Waa, “Hurdaayow Toos”!Xil Cartan.
May 23, 2020 - Written by Editor:

“Mishiinkii Oksijiinta Debedday Ka Doonteen, Qofkii Ninka Buka Ku Xidhi lahaa Baa La Waayey, Markii la soo Helayna, Wuxu u Sheegey In Mashiinkay Sitaan…Xildhibaan Cartan

HARGAYSA(W,N)- Xildhibaan cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo katirsan golaha wakiilada somaliland ayaa ka hadlay dhacdo murugo leh oo cusbitaalka guud ee magaalada hargaysa ay kala kulmeen qoyska ilama maxamed daahir oo walalkood oo xanuunsanaya ukeenay dawayn balse intii kolba wax loo dirayay uu geeriyooday Marxuumkii.

Xildhibaan cartay ayaa dhacdan ku sifeeyay mid ay tahay in shacabka Somaliland huradada ka kacaan isagoo fariin culusna udiray gudida ka hortaga xanuunka coronavirus

Xildhibaan Cartan ayaa qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

Hurdaayow Toos;

Dhiilada ilma Mohamed Daahir Cusbitaalka Guud kala kulmeen waa, “hurdaayaw toos!” (It is a wakeup call).

Farrimaha ugu muhimsan ee kharashka Korona Fayraska lagu bixiya waxa ka mid ah wacyigelintaa ah: faraxasha, kala durka iyo garaaca lambarka heeganka ee 988 baa ka mid ah. si aad talo iyo tusaalo u hesho.

Shilka dhacay:

Ilma Mohamed Daahir walaalkood oo xanuunka la ildaran bay dhakhtarka keeneen. Neeftaa haysee oksijiin noogu qabta. Ma hayno ayay jawaabtii cusbitaalku noqotay.

Mishiinkii Oksijiinta debedday ka doonteen, qofkii ninka buka ku xidhi lahaa baa la waayey, markii la soo helayna, wuxu u sheegey in mashiinkay sitaan biri ka maqan tahay, birtii bay dib u baadi dooneen. intii ay hore iyo dib u sii socdeen ayaa walaalkood geeriyooday.

Ambalaas aannu maydka ku qaadno na siiya, jawaabtii waxay noqotay, ambalaasyadu way wada jajaban yihiin, haadana ilma Maxamed Daahir waxay codsadeen, bal hadda na siiya qalabkii dadka aasayaa xidhan lahaayen. kaa si waa lacag, $294 keena. Sheekadii ilma Moxamed Daahir oo kooban waa taas.

Hurdaayaw Toos

Murugo iyo xannun kasta Ay leedahay, dhacdadani waa HURDAAYAW TOOS!

Xanuunka waa bilaw, hay’adaheenii caafimaadkana waad aragtaan. Sidee xaal noqon doonaa marka tarabtarab bukaanihii ay cusbitaalka ku soo faruurmaan?

Talo Bixin:

xaalad dagaal baa ina soo waajahday, dagaal kaga qaylisiiyey dawladihii inaga taagta roonaa. Yeelkeed, rag baa waa ku raqdiis.

Cusbitaalka Guud halaga furo xafiiska la dagaalanka cadawga karoona Fayras. (Operations room for the fight against the Corona Virus). Xafiiskaa waxa fadhiisanaya Guddomiyaha guddida la dagaalanka cudurka uu magacaabay madaxweynuhu kaas oo ah madaxweyne xigeenka JSL Mudane Saylici iyo koox dhakhaatiir ah oo volintiir ah(volunteers) baa halkaa saldhig hawlgal ka dhiganaysa.

hawlaha guddida dagaal-gelintu qabanaysaa waxa kale oo ka mid ah inay gebi ahaanba dib u habayn ballaadhan ku sameeyaan qaab maamaluka cusbitaalka guud, inay dooriyaan hab-dhaqanka dhaqaatiirta iyo maamulka cisbitaalka ka hawlgala, in la hagaajiyo daryeelka iyo dhiirigelinta dadka waanaagsan ee cisbitaalka ka hawlgala. Dhacdadan murugada lihi ha noqoto mid aynnu ku saxayno qaladaadka iyo xilkasnimo darrada sida weyn dalkeena uga jirta.

COMMENTS
LINKS