Sool Iyo Sanaag Waa Somaliland! W/Q;-Gacayte. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sool Iyo Sanaag Waa Somaliland! W/Q;-Gacayte.
May 27, 2020 - Written by Editor:

Ma jirto cid isku haysta iyo cid ku muransan toona Sool iyo Sanaag waa Somailland, umada dagan waa reer Somaliland. Waxa ishaya oo hadii nabad la waayo dagaal ka dhexeeyaa Laba Dal Somaliland iyo Somalia. Nabar iyo Naxdin nasteex uma ah waana cadawga umada dagan ee Ilaahay ku abuuray dhulka Somaliland. Talaabadan ma cusba ee waxay la mid tahay uun dagaalada siyaasadeed iyo curyaaminta dhaqaale ee kasoo burqanaya bukaanka Xamar fadhiya, Waana gef iyo meel ka dhac qaawan oo shacabka ku dhaqan Sool iyo Sanaag lagu soo qaaday, waa curyaamin dhaqaale oo salka ku haysa nolosha bulshada ee deegaankas oo ah Hay’addahu inanay tagin waa dhul lagu muran sanyahaye. Huraale, Kaalay Ka Dhig Dee.

Xaash’e dad walaalo ah oo wada dhashay oo mid ah oo Reer Somaliland ah ayaa ku nool ee ha ogaado nin moogi iyo madhanta Xamar fadhida. Mapkan waa mid riyo ah oo runta ka dheer. Kolkaa Waa in la Ilaaliyo Sharafta iyo Karaamada Dadka dhulkaas dagan oo aan ixtiraam wayn u hayo oo ah dadkii dhidibada u taagay yagleelka dawladnimo ee Qaranka JSL.

Nabar iyo Naxdin kamay xishoon ee xaal haka bixiso hadii kale hadimada haka dayso.

Wabilahi Tawfiiq.

QALINKII; Dubad Gacayte

 

COMMENTS
LINKS