BAAFIN: Mishiinkii OGSAJIINTA Ee Cisbitaalka Guud Iyo Mishiinkii Cusbaa Ee La Diray? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
BAAFIN: Mishiinkii OGSAJIINTA Ee Cisbitaalka Guud Iyo Mishiinkii Cusbaa Ee La Diray?
May 30, 2020 - Written by Editor:

Madaxwayne KX Qaranka ahna Gudoomiyaha Guddida COVID 19 wuxuu inoo sheegay in OGSAJIINTA ay shirkad “Gaar ahi” inoo joogto balse ay haamuhu (cylinders) yar yihiin. Wuxuu sheegay in haamo la dalbay oo usbuucan ay imanayaan.

Su,Aasha isweydiinta lihi waxa weeyi mishiinkii OGSAJIINTA ee cisbitaalka Hargeysa oo dayactir kooban u baahan guddida COVID19 maxay miisaaniyadeeda 1.5 Milyanka ah ugu dari wayday? Sanadkan bilowgiisii waxaa la inoo sheegay oo MW Biixi sheegay in mishiin OGSAJIIN cusub uu diray. Kaasna ma hayno waxaan laga joogaa maalinkii ay iman lahayeen 4 bilood. Calaa iyo xaal, mishiinkii cisbitaalka guud ee OGSAKIINTA lama dayactirin, ku cusubna la inooma keenan. Halkee baa haddaa ogsajiin laga keenayaa?Su,aashaa waxaa maanta inooga jawaabay shirkii Guddida COVID 19 gaar ahaan suaashii FAYSAL FIFA waydiiyay Saylici.

Maanta Madaxwayne kuxigeenka mudane Saylici, iyo Guddida COVID19 waxa si cad ay inoogu sheegeen in shirkad “Private” ahi ay tahay [ahaana doonto] isha keliya ee laga heli doono OGSAJIINTA dalka. Maxaa ku kelifay in madaxwayne KX uu Inooga Waramo shirkad gaar loo leeyahay isla markaana uu ka aamuso xaaladda mishinkii cisbitaalka Guud ee cilladoobay iyo Kii Madaxwayne  Biixi ballanqaaday 4 bilood ka hor ee OGSAJIINTA. Kooto ayaa halkaa aniga iiga muuqata in cid gaara loogu xidhayo OGSAJIINTA? Maxaa kuu baxay adiga? Shirkada yaa leh?

Haanta OGSAJIINTA ah ee dhakhtarka wayni uu siin jiray qiime dhan $10, waxay shirkaddani siisaa hadda $30. Waa marka aad haan sidato. Haddii kale qiimuhu sadex laab wuu ka badanayaa.

Baadhis dheeraad ah ayay u baahan tahay xidhiidhka ka dhexeeya:

1) Ciladda Mishiinkii Cisbitaalka Guud ma mid dabiici ah baa mise waa la cilladeeyay?

2) Mishiinkii la diray ee iman waayay iyo xaaladdiisa.

3) Sababta xukuumaddu u doorbiday in aanay iyadu yeelan mishiino ee ay dibadda uga soo iibsanayso.

QALINKII; Aqoonyahan Xamse Cabdiraxmaan Khayre.

HARGEISA SOMALILAND

COMMENTS
LINKS