DAAWO;-Muj Cismaan Awrliqe Oo Ka Waramay Guda Galkii Hargaysa, Shacabka Reer Somaliland Ugu Baaqay In Aanu Wali Halgankii Dhamaanin. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Muj Cismaan Awrliqe Oo Ka Waramay Guda Galkii Hargaysa, Shacabka Reer Somaliland Ugu Baaqay In Aanu Wali Halgankii Dhamaanin.
May 31, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Muj Cismaan Awrliqe Cabdiraxmaan oo Kamid ahaa mujaahidiintii SNM ee hormuud ka ahaa halgankii qadhadhaa ee lagu xoreeyay qayiga Somaliland ayaa ka waramay dagaaladii loo soomaray xorayta dalka iyo falalkii argagaxa lahaa ee taliskii siyaad bare kula kici jiray shacabka Somaliland

Sidoo kale muj cismaan awrliqe oo kamid ahaa ciidamadii 31may 1988kii soo galay magaalada hargaysa ayaa ka xogo dheeraada ka bixiyay qaabkii ay usoo galeen caawa oo kale hargaysa

Dhanka kale muj cismaan ayaa sheegay in aanu wali dhamaanin halganka loogu jiro ka midho dhalinta qaranimada Somaliland madaxda somaliya ka talisanaa ee farmaajo ay yihiin hadhaagii siyaad bare waxa laga filaan ay yihiin uun cadaawadii adeerkii

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS