Maxaa Ka Jira In Fayraska COVID 19 Ay Toonta Iyo Biyaha Kululi Daawo U Yihiin! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa Ka Jira In Fayraska COVID 19 Ay Toonta Iyo Biyaha Kululi Daawo U Yihiin!
June 1, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Coronavirus ayaa dunida si xawli ah ugu soo baahaya mana jirto dawo illaa iyo hadda loo helay. Nasiib darro se taasi ma aysan joojin talooyinkii caafimaadka, oo isugu jira kuwa aan wax tar lahayn iyo xitaa kuwa kaba sii dareen khartar ah.

Waxaanu eegeynay qaar ka mid ah sheegashooyinka ugu baahsan ee lagu wadaagay baraha bulshada, iyo waxa ka run ah marka la eega seyniska:

TOONTA;

Qoraallo badan oo ku talinaya cunista toonta, si looga horgato fayraska Korona ayaa lagu wadaagay barta Facebook-ga.

Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa sheegeysa in inkasto oo ay tahay “cunto caafimaad leh haddana ma jirto caddeyn muujineysa in cunista toonta ay dadka ka ilaalin karto ama ka daweyn karta cudurkan cusub ee covid19.

Inta badan daawooyinka noocan oo kale ah sida toonta ma ahan kuwo waxyeello u leh naftaada, balse mararka qaar khatar badan ayay kuu keeni karaan.

Wargayska The South China Morning Post, ayaa daabacay sheeko ah, haweeney lagu daweeyay cisbitaal oo si daran u bakootay , kadib markii ay cuntay 1.5kg oo Toon ceyriin ah.

Waxaan ognahay, in guud ahaan, cunista miraha iyo khudaarta iyo cabidda biyaha ay u fiicnaan karaan caafimaadkaaga. Si kastaba ha noqotee, ma jiraan wax caddayn ah oo muujinaya in cuntooyin gaar ah ay kaa caawinayaan la dagaallanka fayraska korona.

‘Macdanta Mucjisada’

Jordan Sather oo leh Youtube, kaasoo kumannaan kun oo taageerayaal ah ku leh baraha bulshada, ayaa ku dooday in “macdan mucjiso ah” oo lagu magacaabo MMS, ay “meesha ka saari karta” cudurkan coronavirus. Waxa ay macdantaasi ka kooban tahay chlorine dioxide. Sather iyo kuwo kalaba waxay buunbuuninayeen macdanta xitaa ka hor inta uusan dilaacin coronavirus. Bishii Janaayo ayuuna bogga Twitter soo dhigay, “keliya ma ahan in chlorine dioxide (loona yaqaan MMS) ay dili karta unugyada kansarka, balse waxay sidoo kale cagta marin kartaa coronavirus”. Sanadkii la soo dhaafay, Maamulka Cuntada iyo Dawooyinka ee Mareykanka (FDA) ayaa ka digay halista caafimaad ee cabitaanka MMS. Mas’uuliyiinta caafimaadka ee waddamada kale, ayaa iyaguna soo saaray digniino ku saabsan arrintaas.

Cabbida Biyaha 15-Kii Daqiiqaba Hal Mar;

Qoraal aad loo soo dhigay Facebook-ga oo la sheegay in laga soo xigtay “dhakhtar u dhashay Japan ayaa lagu sheegay inuu ku taliyay inay 15 daqiiqadood kasta la cabbo biya, si fayraska korona jirka looga saara. Qoraalkaas oo xitaa lagu qoray luuqadda Carabiga waxaa la sii wadaagay 250,000 oo jeer.

 

Balse Professor Trudie Lang oo wax ka dhiga jaamacadda Oxford ayaa leh, “Ma jiraan caddeymo taageeraya sheegashadaasi in fayriska ku dhaca habdhiska neefsiga biya lagu xaaqi kara”

Si kastaba ha ahaatee cabbida biyaha waaa mid u waangasan caafimaadkada, sida ay dhakhaatiirta ku taliyeen.

4.Kuleylka Iyo Iska Ilaalinta Jalaatada

Talooyin kala duwan oo maraka qaar is khilaafsan oo ku saabsan cabidda ama ku qubeysashada biya kulul ayaa dhexyaacaya baraha bulshada. Mid ka mid ah qoraaladaasi oo dalal kala duwan si weyn loogu baahiyay– oo si been abuurhan loogu tiiriyay UNICEF– ayaa ku doodeysa in cabbida biya kulul, qorraxda kulul oo la isu dhiga iyo iska ilaalinta jalaatada lagu daweyn kara fayriska. Charlotte Gornitzka, oo ka tirsan UNICEF ayaa ka digay in arrintaasi ay tahay been abuur oo aysan UNICEF sidaas ku talinin. Wan oganahay in fayraska uusan tusaala ahaan ku noolaaan karin meel ka baxsan jirka muddo dheer xilliga kuleylaha, laakiin ma jirta caddeymo ku saaabsan sida kuleylka uu u saameyn kara fayraska corona. Mar haddii fayraska uu jirkaada gala,na ma jirta qaab aad ku dili karta. Waa in jirkaada uun u la dagalamaa.

COMMENTS
LINKS