Fari Kama Qodna Faanoole;“Muddada La Waday Hawsha 12Km, Waxay Ka Badnayd 6 Bilood, Taasoo Ah In 2Kmba Ay Qaadatay Hal Bil”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fari Kama Qodna Faanoole;“Muddada La Waday Hawsha 12Km, Waxay Ka Badnayd 6 Bilood, Taasoo Ah In 2Kmba Ay Qaadatay Hal Bil”Cali Guray.
June 1, 2020 - Written by Editor:

“Maansha Allah, 12kii Kilometer ee ugu horeeyay Waddada Berbera Tog Wajaale oo dhan 240Km ayaa maanta si gaar ah loo furay. Marka la eego muddada la waday hawsha 12Km waxay ka badnayd 6 bilood, taasoo ah adigu qiyaastii in labadii Kmba ay qaadatay hal bil in lagu dhamaystiro. Markaa hadii ay sidan ku socoto imisa bilood ay lagu dhamayn karaa waddada oo dhan? Waxay noqonaysaa 120 bilood oo min 2Km, oo noqonaya 10 sanadood haddii 240Km ba dib loo wada dhisayo qorshahana aan sidan waxba laga bedelin.

Taasi malaha macquul maaha ee waxa laga yaabaa in intii hore loo dhisay, sida Hargeysa ilaa Kaalabaydh oo dhan 60Km iyo meelo kaleba aan sida 12Km la wada qaadayn.

Hadii kale oo ay tahay in la wada qaadayo sidii hore loo sheegayna mashruuca waddadu lagu dhamaystirayo laba sanadood (24 bilood) markaa waxay noqonaysaa in bishiiba la dhamaystiro 10Km, taasina sida ay hadda u socoto hawsha dhismaha waddadu ma muuqato.

Waxa laga yaabaa xataa Wasaaradda ku shaqada leh marka lagu daro in aanay jirin cid garanaysa muddada rasmi ahaan la fili karo in hawsha dhismaha waddadu ay qaadan doonto iyadoo aynu ognahay in sida la sheegay ilaa 7 biriishna dhismahoodu uu wadada ku jiro. Si kastaba xaalku ha ahaado eh hadii mashruucan dhamaystirkiisa laga faraxasho in ka hadhsan dhamaadka muddo xileedka Madaxwayne Muuse Biixi way fiicnaan lahayd.

SIYAASI CALI MAXMED YUUSUF(CALI GURAY”

 

COMMENTS
LINKS