“Ummad Laguma Qiimeeyo Sida Ay U Qadariso Kuwooda Hodanka Ah Ama Awoodda Leh, Ee Waxa Lagu Qiimeeyaa Siday U Qadariso Kuwooda Saboolka Ah”!Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Ummad Laguma Qiimeeyo Sida Ay U Qadariso Kuwooda Hodanka Ah Ama Awoodda Leh, Ee Waxa Lagu Qiimeeyaa Siday U Qadariso Kuwooda Saboolka Ah”!Cali Guray.
June 2, 2020 - Written by Editor:

“Wallahi Muuse Biixi Maalinta Qiyaamaha Ilaahay Wuu Su,aali  Ubadka Yaryar  Ee Laga Yaabo Inay Qadoodi Habeenkii Ku Seexdaan Waalidkoodii  Iyo Gaadiidkii Loogu Shaqaynayayna Kibirka Iyo Awood Sheegashada Aan Sharciga Ahayn lagu haysto..”Cali Guray.

Dagaalkii Jaadka Ee xukuumaddu wax kale lama odhan karo ee wuxu ahaa keliya WAALIDUUL. Horena dadkii uga digay ee ka jooga lahaa ka mid baan ahaa. Waynu ogayn oo muu jirin Jaad la joojiyay ama la joojin kari waayay. Xukuumaddu waxay Maalin kasta lumin jirtay cashuur u dhigmaysay ilaa 200,000$. Hawlgalka ciidanka dagaalka jaadka ee xuduudka ku dhaw 1000Km mitir lacag intaa aan ka yarayn ayaa lagu khasiri jiray. Kumanyaalka gaadiidka jaad doonka ah ee xadka iyo Tuulootinka bari ilaa galbeed buuxiyay lacagta ku baxaysay Iyaga haba sheegin. Waar adigu maalintii 500000$ oo khasaare Ah wax aan ahayn oo laga faaiiday may jirin. 20kii cisho 10 Milyan oo doolar ayuu gaadhi karayay inta ay dawladdu Ku Wayday waaliduulkii dagaalka Jaadka ka hortagga Covid19 wax Uu ka tarayna may jirin oo taana waynu ognahay.

Hadaba waxa yaab leh in madaxda qaranku marka hore aanay Dareemi karin dhibta dadkan dan yarta ah ku kelifi karta inay gaadiidkooda iyo nafahoodaba halis u geliyaan oo ubad iyo maato laga yaabo in aan dabka wax loo saarin xagoodana soo eegaya oo aan meel kale waxba ka filayn ayaa wax kastaba ku qasbayay qof kasta oo damiirkiisu nool yahay xogogaalna u ah baahida dhaqaale xumada dalka ka jirtaa waxay ku hayso dadkeenii danyarta saboolka ah ahaydba wuu u damqanayaa. Markaa madaxdu maaha inay guryahooda buuxbuuxa iyo ubadkooda dibirsan ay ugu wax gooyaan danyarta iyo masaakiinta ah ee waa inay tooda hoos u eegaan daymo naxariis lehna ku eegaan.

Ninkii khaliifada Islaamka ahaa ee la odhan jiray Cumar Bin Cabdicaziiz ayaa laga soo weriyay “ hadii dhagax wadada yaal uu qof ku turunturoodo qiyaamaha aniga ayuu Ilaahay i waydiinataa uu odhan ayaa maxaad wadada uga qaadi wayday adiga ayaa ka masuul ahaaye”.

Wallahi Muuse Biixi Maalinta qiyaamaha Ilaahay wuu sua’aali ubadka yaryar ee laga yaabo inay qadoodi habeenkii ku seexdaan waalidkoodii iyo gaadiidkii loogu shaqaynayayna kibirka iyo awood sheegashada aan sharci iyo gar iyo dawga aan midna ahayn.

QALINKII; SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF(CALI GURAY)

COMMENTS
LINKS