Wasiirka Warfaafinta Jsl Oo Ka Jawaabay Cabashadii Tvyada Gaarka Loo Leeyahay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Warfaafinta Jsl Oo Ka Jawaabay Cabashadii Tvyada Gaarka Loo Leeyahay.
June 2, 2020 - Written by Editor:

Laascaanood(W,N)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koor ayaa booqday xarumaha caafimaad ee gobolka sool gaar ahaan magaalada laascanood

Sidoo kale wasiirka warfaafinta ayaa  jawaab ka bixiyey dhaliilo ay qaar ka mid ah Mulkiilayaasha Telefishanada gaarka loo leeyahay u jeediyeen Guddida heerka qaran ee Covid19.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in loo baahnaa inay wasaaradda warfaafinta marka hore lasoo xidhiidhaan isla markaana cabashadooda u soo gudbiyaan kahor intaanay  gaadhin ama aanay dhaliilin gudida heer qaran covid-19.

Wasiirka ayaa sheegay in cabashada Warbaahinta gaarka loo leeyahay la isaga iman doono xalna loo raadin doono.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS