Aragtiyaha Siyaasadeed Ee Carbeed Sannadaha Badanna Jirey Sal Adag Kuma Taagna!W/Q;khaddar Baruud. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Aragtiyaha Siyaasadeed Ee Carbeed Sannadaha Badanna Jirey Sal Adag Kuma Taagna!W/Q;khaddar Baruud.
June 5, 2020 - Written by Editor:

Wasiirkii Hore Ee Tamarta ee Saddam Xuseen wakhtigii uu ka talinayey dalka Ciraaq Mr. Sabhaan (سبهان) oo hawlo ganacsi u yimid Somaliland August 2018 ayaanu ku kulanay Hoteelka uu markaa daganaa ee Maansoor waxaana iskaaya bartay Amb. Samia Muse.

Isbarasho dabadeed waxaan hadalka u raaciyey waxaan ahay shakhsi aminsanaa argtida Xisbul Bacaska xubinna ka ahaa kuna soo dhawoow maanta Jam. Somaliland, inta uu yaabay ayuu dhawr suaaloodna iga waydiiyey aragtida iyo mabaadii’da xisbiga markaan uga jawaabay inta uu farxad kala batay ayuu gacanta i qabtay oo gooni iila faqay waxaanu ii sheegay inuu aad ugu faraxsanyahy inuu arkay qof BACSI ah waxaanu yidhi “iiga waran aragtidii xisbigu Somaliland miyey ka jirtaa” markaasan uga waramay intii aan xukuumaddii uu ka tirsanaa ee Saddam Xuseen xilka laga tuurin annaga oo arday ka ah Ciraaq in aanu xisbiga ka tirsanayn, wakhtigaana aanu usheegnay qaar ka mid ah madaxdii Xisbiga in aanu Jamhuuriyad Somaliland la yidhaa kasoo jeedno naloona tixgaliyo nagumayse raacin aragtidaa aanu ula tagnay annagoo dhawr dhalinyaro ah imikana aanay Somaliland ka jirin aragtida Midnimo Carbeed oo xisbiga afkaarihiisa ugu muhiimsanayd.

FIKIRADAHA SIYAASADEED EE QAWMIGA AH AMA URUR DIIMEEDYADA (IKHWAANKA) AH EE CARBEED WAA QAAR sannado badan jirey maahase qaar midho dhal sameeya.

Inta Badanna waxaa hadheeya khilaaf iyo kursi jacayl iyo madax adayg taasoo marar badan sababta burbur, inqilaab iyo kala-qaybsanaan.

جمعه مباركه

Qalinkii; khadar barud,

 

COMMENTS
LINKS