Dr Cabdulmajid Xuseen;Tariikhdii Iyo Halgankii Uu Usoo Galay Gobolada Somalida Etoobiya Iyo Kililka 5aad. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dr Cabdulmajid Xuseen;Tariikhdii Iyo Halgankii Uu Usoo Galay Gobolada Somalida Etoobiya Iyo Kililka 5aad.
June 5, 2020 - Written by Editor:

XUSUUSTA TAARIIKH NOLALEEDKII MARXUUM DR. CABDUL-MAJIID XUSEEN

Hargeysa(W,N) Alle ha u Naxariistee Cabdul-Majiid Xuseen Cumar Bare oo ahaa qunsulka Dawlada itoobiya u fadhiyay Qaramada midoobay oo ku geeriyooday Caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, waxaana Marxuumka lagu Aasay Magalada Dhri-dhabe iyada oo marxuumkaasi bas u dhintay, waxaana habeenimadii isniintu soo galaysay isaga oo koom ku jira laga keenay Magaalad New York ee Cariga Maraykanka.

Cabdul-Majiid Xuseen waxa uu ahaa siyaasi saamayn weyn ku lahaa siyaasadda dalka Itoobiya iyo guud ahaan bariga Africa isla markaana Dawladda Itoobiya wax uu ka soo qabtay xilal kala duwan, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Dhaqaalaha iyo Xdhiidhka caalamiga ah sidoo kale waxa uu mar ahaa Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka cirka iyo dhulka ee Dawladda Itoobiya isaga oo markii u danbaysayna ahaa Safiirka Dawaladda Itoobiya u fadhiya Qaramada midoobay, waxaana Aaskiisii ka qayb galay madax sare oo Dawladda Itoobiya ka tirsan sida Wasiirka Arimaha Debedda iyo Madaxweynaha ismaamulka soomaalida Itoobiya.

Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdul-Majiid wuxuu 1943 ku dhashay magaalada Diri-dhabe ee Dalka Itoobiya, wuxuuna Waxbarashadiisa ilaa heer jaamacadeed ku qaatay Itoobiya isaga oo markii uu waxbarashada Dugsiyada asaasiga ah dhamaystay galay jaamacadda Addis Ababa University lakiin waxa kale oo uu waxbarasho jaamacadeed u tagay Dalka Ingiriiska,

Hadaba Iid Daahir Faarax oo mar ahaa Madaxweynaha ismaamulka Soomaalida Itoobiya imikana ku sugan Magaalada Hargaysa ayaa u sheegay (Haatuf) taariikh nololeedkii iyo waayihii waxbarasho iyo siyaasadeed ee uu soo maray Mrxuum Cabdul-Majiid Xuseen iyo weliba shakhsiyadiisa qofeed.

Hadaba ugu horayn Iid Daahir isaga oo tilmaamaya ilaa xiliga uu yaqaanay ama aqoonta uu u lahaa Marxuum Cabdul-Majiid waxa uu sheegay inuu yaqaanay ilaa xiligii ardaynimadiisii xiligii Dugsiyada, wuxuuna Iid sheegay inuu Cabdul-Majiid ka mid ahaa ardaydii xiligii boqortooyada bilaabay dhaqdhaqaayadii lagu baadi doonayey xuquuqda qoomiyadaha aan Amxaarada ahayn ee Itoobiya deganaa ee ay Soomaalidu ka mid tahay waxuuna Iid yidhi Cabdul-Majiid markii uu Jaamacadda galay sannadihii lixdameeyadii waxa uu gudoomiye-kuxigeen ka noqday urur ardayda Jaamacadda ah oo u dhaqadhaqaaqi jiray xuquuqda iyo sidii cadaadiska looga qaadi lahaa qoomiyadaha Itoobiya ee aan Amxaarada ahayn, xiligaasna waxa la dilay Gudoomiyihii ururka ardayda Itoobiya oo ahaa ninkii Cabdul-Majiid ka sareeyay ee uu Gudoomiye-kuxigeenka u ahaa, markale ayuu hadana Cabdul-Majiid ka mid noqday ururkii ay ku bahoobeen niman aqoonyahanno iyo waxa garad ah oo ka soo kala jeeday qoomiyadaha kala duwan ee Itoobiya ku dhaqan, wuxuuna ururkaasi u halgami jiray inay qoomiyadaha Itoobiya u sinaadaan xuquuqaha aadeeg iyo talada siyaasadda Itoobiya iyo in cadaadiska laga qaado qoomiyadaha aan Amxaarad ahayn ee boqortooyadu cagta hoosteeda gelisay lakiin imika ragii ururkaa ka tirsanaa inyar oo faro ku tiris ah mooyee itnoodii badnayd waa la xasuuqay, waxayna ragaas ahaayeen raggii bisleeyay halgankii uu markii dambe taliskii dhergigu ku qabsaday Itoobiya Hase yeeshee Cabdul-Majiid waxa uu u baxsaday isaga oo halgankiisii ka sii waday debedaha Gaar ahaan dalka Suudaan ayuu muddo dheer ku sugnaa, halkaas oo uu ka wadday halgankiisa xaq u dirirka ah isaga oo dhinaca kalena xiliyadaa madax ka haa hayyadda UNHCR ee dalka Suudaan laakiin bari danbe ayaa loo bedelay dalka Bakistaan oo uu isna madax ka ahaa Xafiiska UNHCR.

Iid Daahir isaga oo ka sheekaynaya kaalintii cabdul-Majiid ee intii ka dambaysay markii uu taliskii Dhergigu meesha ka baxay ee ay talada la wareegeen jabhadda EPRDF waxa uu yidhi markii la riday taliskii dhergiga ee uu samaysmay is-bahaysiga la yidhaahdo EPRDF oo ay ku bahoobeen qoomiyadaha Tigreega Oromada iyo shucuubta loo yaqaan shucuubta koonfureed oo ay ku bahoobeen ilaa 45 qoomiyadood, waxa xiligaa iyaguna samaysmay ilaa 15 urur siyaasadeed oo Soomaalida Itoobiya ah, lakiin Cabdul-Majiid waxa uu ku guulaystay inuu 14 urur mideeyo iyadoo uu midaynntaa ka hadhay ururka ONLF,waxaana isbahaysiga ururada Soomalida Itoobiya ku bahoobeen loo yaqaanay ururka leegada.

 

 

COMMENTS
LINKS