“Wasiirkii Arrimaha Gudaha Jabouti, Wuxuu Jebiyay Aamusnaantii TVyadu Afka Ka Xidheen, Rabshadaha Ka Socda Dalka Aynu Jaarka Nahay”Mustafe Shiine. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Wasiirkii Arrimaha Gudaha Jabouti, Wuxuu Jebiyay Aamusnaantii TVyadu Afka Ka Xidheen, Rabshadaha Ka Socda Dalka Aynu Jaarka Nahay”Mustafe Shiine.
June 5, 2020 - Written by Editor:

Wasiirku Waxa isagoo arrintaa markii ugu horeysay ka hadlaaya uu sheegay in dawlada Jabouti ay ugu filan tahay dhibaato wixii shalay dhacay, isla sidoo kalena ay shacabka dhib ugu filan tahay wixii xagoodana gaadhay.

Xukuumadda Jabouti wasiirka u hadlay waxa kale oo uu sheegay in banaan baxaasi ay ka dhasheen baabuur iyo hanti kale oo la burburiyay .

Dhinaca kale waxa shacabka reer Jabouti ay ka gadoodeen muuqaalo is dabayaal oo uu maxbuus hore uga tirsanaa ciidamda cirka Jabouti ka soo dhex duubay xabsiga Gabood, kaasi oo soo bandhigay Suuli yar oo kooban oo lagu xabisay, halkaasi oo uu u hoydo waxna ku cuno.

Waxa kale oo uu maxbuuskani soo duubay hadalo uu kula hadlaayo qoyskiisa iyo ummaddiisa, kuwaasi oo ku sheegaayo in isaga ay u dhamatay, balse uu noqonaayo halgamaa u dhaqdhaqaaqa xorriyada shacabka reer Jabouti.

Muuqaaladaa Kadib, waxa shacabka reer Jabouti ay la wareegeen shaaricyada magaalada Jabouti, iyadoo la arkaayay dadweynaha oo burburinaaya qaar ka mid ah xafiisyada dawlada oo ay ku jiraan Baanan iyo maxkamado.

Dhinacoodana ciidmada dawlada ayaa shacabka la eegtay rasaasta nool, iyadoo la soo dhigay baraha bulshada wiilal dhalin yaro ah oo dhaawaca.

QALINKII; MUSTAFE SHIINE.

COMMENTS
LINKS